Borama News Network

Madaxwayne Putin Oo Lagu Eedeeyey Inuu Ka Masuul Yahay Geerida Hoggaamiyihii Mucaaradka Ruushka

Sida ay baahisay dawladda Soomaaliya, Golaha Fulinta ee Midowga Afrika ayaa isku raaciyay in Soomaaliya ay noqoto musharraxa kaliya ee Bariga Afrika ee u tartami doona kusiga Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee aan joogtada ahayn.

Afrika ayaa waxay ku leedahay golaha amaanka ee Qarmada midoobey saddex kursi oo loo qoondeeyay Sadedax gobol kuwaas oo kala ah gobalka bari, gobolka waqooyi,gobalka galbeed.

Kursigaan oo kamida ah kuwa joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa hadda ku fadhiya oo dalalka gobalka bariga Afrika oo ay ku masho mozambique.

Wasiiru dowlaha wasaarradda arrimaha dibada Soomaaliya ahan ku simaha wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Cali balcad oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in kursiga aan Soomaaliya lagula tartami dooniMadaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa ka falceliyey geerida hoggaamiyaha mucaaradka ee dalka Ruushka, Alexey Navalny, kaas oo geeriyooday maalintii Jimcihii.

Madaxweyne Biden ayaa ku eedeeyey madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin inuu ka masuul ahaa geerida hoggaamiyaha mucaaradka Ruushka.

Saraakiisha maamusha xabsiyada Ruushka ayaa sheegay in hoggaamiyaha mucaaradku uu ku geeriyooday goobtii lagu hayey. Mana jirto cid si madaxbanaan u xaqiijisay arrintan.

Navalny ayaa ahaa shakhsi si weyn uga soo horjeeda siyaasadaha madaxweyne Putin.

Warbaahinta Ruushka ayaa ka soo xigatay qaar ka mida masuuliyiinta maamusha xabsiyada Ruushka, oo u sheegay in gargaar caafimaad loo dalbaday balse ay badbaadin kari waayeen.

Qoraal ka soo baxay aqalka cad ee Maraykanka ayaa madaxweyne Biden wuxuu ammaan u jeediyey hoggaamiyaha geeriyooday oo uu ku tilmaamay inuu ahaa nin si joogto ah oga horiman jiray Putin, xataa iyada oo la sumeeyey, ka dibna lagu daaweeyey wadamada debedda, haddana ugu dambayn ku laabtay Ruushka halkaas oo xabsi la dhigay.

Related posts

Hindiya:- Arday Muslimiin Ah Oo Tukanayay Salaada Taraawiixda Oo Weerar Lagu Qaaday

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Deegaannada Galmudug u Tagay Dardargelinta Dagaallada Ka Dhanka Ah ‘AS’

Abdiaziz Bnnstaff

” Xasan Sheekh Waa Dilaa Xalashaday Dhiiga …” Siyaasi Cali Waran Cade Oo Weerar Culus Ku Qaaday Madaxwayne Xasan Sheekh

Abdiaziz Bnnstaff