Borama News Network

Sheekh Shariif Oo War Kasoo Saaray Shirkii Nairobi Uga Socday Isaga Iyo Madaxweynaha

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa warsaxaafadeed uu kasoo saarar shirkii magaalada Nairobi uga socday isaga iyo madaxweynaha hadda Xasan Sheekh Maxamuud; waxa uu ku sheegay in ay xal ka gaari waayeen waxyaabihii ay ka wada hadleen.

“Dood dheer ka dib, xal waan ka gaari weynay dhamaan qodobadii aan ka doodnay,” ayu uku yiri Sheekh Shariif warsaxaafadeedka oo lagu daabacay bogaggiisa baraha bulshada.

Hase yeeshee Sheekh Shariif ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in khilaafka siyaasadda ee dalka lagu xalliyo “wadahadal iyo isqancin”.

Qoraalka ayuu Sheekh Shariif ku sheegay in ay shirka kaga wad hadlayeen saddex qodob oo kala ah; Arrimaha Dastuurka, Arrimaha siyaasadda iyo mustaqbalka dalka iyo khilaafka DFS & Dawlad Goboleedka Puntland.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo saaxiibkiisii hore ee siyaasadda ayaa ayaa fikir ahaan sii kala fogaaday kadib markii uu Baarlamaanka Soomaaliya meel mariyey waxkabaddal dastuur oo muran dhaliyey.

Laba madaxweyne hore Shariif iyo Farmnaajo ayaa sidoo kale ku jiray wadahadlsiinta Deni iyo Xasan Sheekh, haseyeeshee warsaxaafadeed ay bishii hore si wadajir ah usoo saareen ayey labada madaxweyne hore ku sheegeen in fashilmeen dedaalladaasi, madaxweynaha oo aan u hogaansamin awgeed.

Related posts

Sacuudi Carabiya oo xukun dil ah ku fulisay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu helay dambi daroogo ah

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaa Ka Socda Magaalada wajaale Ee At Iskugu Yimaadeen Madax Ka Socota Dalalka Geeska Africa

“In la isqafaasho xaq looguma laha,xukumadda wakhtigeedu dhamaanayo” Murashaxa Madaxwyne Ku Xigeen Ee Xisbiga Waddani

Abdiaziz Bnnstaff