Borama News Network

Shir looga hadlayo taageerada dhaqaale ee Howlgalka AUSSOM oo ka socda dalka Uganda

Magaalada Kampala ee dalka Uganda waxaa ka billaawday shir soconaya 22 ilaa 25 bisha April, kaasi oo ay isugu yimaadeen taliyeyaasha dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Shirkan ayaa lagu gorfeeynaya sidii loo xoojin lahaa taageerada dhaqaale iyo siyaasadeed ee howlgalka cusub ee AUSSOM.

Mas’uuliyiinta ka qeyb galaysa ayaa ka kala socda dalalka Uganda, Kenya, Burundi, Itoobiya, Jabuuti, iyo Masar oo markii ugu horreysay si rasmi ah uga qeybqaadaneysa howlgalka AUSSOM.

Masar oo hore ugu jirin howlgaladii AMISOM iyo ATMIS, ayaa hadda u muuqata mid daneynaysa rrimaha amniga Geeska Afrika.

Shirkan Kampala wuxuu hordhac u yahay shir madaxeed ay isugu imaan doonaan madaxda dalalka Afrika, si ay uga wada hadlaan mustaqbalka howlgalka AUSSOM iyo sida loo heli karo taageero dhaqaale oo joogto ah.

Wafdi sare oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa saacadaha soo socda gaari doona dalka Uganda, halkaasi oo ay shirarkaasi uga qeyb galayaan.

Related posts

Raysal Wasaaraha Isreal Oo Diiday Xabad Joojin Ay Soo Jeediyeen Ururka Xamaas

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiir Buuni Oo Su’aalo Adag La Waydiiyay Iyo Jawaabaha Uu Ka Bixiyay Su’aalahaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Nin boqol kun oo doolar ka dhacay haween kaddib markii uu la haasaaway