Borama News Network

Siciid Deni Oo Ku Dhawaaqay In Uu Yahay Musharrax u Taagan Xilka Madaxweyne DG Puntland Ee 2024/2029.

Siciid Cabdullaahi Deni madaxweynaha muddo xileedkiisu gabagabada yahay ee Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa ugu dambayn markale ku dhawaaqay in uu yahay musharrax u taagan xilka uu hayo 8da Janaayo 2019 ilaa 7da Janaayo 2024.

Deni oo Garoowe ku samaystay bandhig musharraxeed ay kasoo qaybgaleen taageerayaashiisa iyo xubnaha siyaasiyiinta ah ee maamulkiisa katirsan ayaa ugu dambayn ku dhawaaqay in uu markale u tartamayo xilka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland.

 

Waxa uu taageerayaashiisa & Dadkii kale ee goobjooga ka ahaa madasha la wadaagay waxqabad uu sheegay in uu qabtay muddada 5ta sanno ah uu hoggaamiyaha u yahay Dowlad-Goboleedka Puntland kuwaas uu u arko in dib loogu dooran karo.

 

Inkasta uu Deni Dadka ku qasbanaaday dib ugu laabashada Doodada dadban ee Baarlamaanka maadaama uu socon waayay hamigii ahaa Doorasho Dadweyne balse waxa uu doonayaa in markale uu dib ugu soo laabto xilka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland.

Musharrixiin aad u badan ayaa isusoo taagtay xilka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland waxaana xooggaystay dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed ee ay samaynayaan xubnaha xildoonka ah ee Garoowe ku sugan.

Related posts

“Madaxweyne Wasiirada Aad Noo Soo Doortay Nama Anfacaan Ee Ka Noqo..” Xildhibaan Bille

Abdiaziz Bnnstaff

Sida Ay Israa’iil Ku Heshay Una Dishay Hogaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar

Abdiaziz Bnnstaff

Dabley Hubeysan Oo Si Arxan Darro Ah Ugu Dilay Hooyo Soomaaliyeed Degmada Caabudwaaq Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Dilkaasi

Abdiaziz Bnnstaff