Borama News Network

Sida Ay Israa’iil Ku Heshay Una Dishay Hogaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar

Ciidamada Israa’iil ayaa in ka badan sanad waxa ay ugaarsanayeen hogaamiyaha Xamaas, kaas oo lagu waayay Qaza wax yar ka dib markii uu abaabulay weeraradii 7-dii October.

Yahya Sinwar, oo 61 jir ah, ayaa la sheegay inuu waqtigiisa intiisa badan ku qaatay inuu ku dhuumaaleysto godad ku yalla marinka Qaza.

Dilka Yahya Sinwar ayaa ah guushii ugu weyneyd ee Israel ay ka gaarto dagaalka ay kula jirto Xamaas ee Gaza.

Dhimashadiisu waxay dhabar-jab weyn ku tahay Xamaas oo ah urur uu isu beddelay awood dagaal oo jabkii ugu waynaa soo ka gaadhay Israa’iil intii ay jirtay.

Laguma dilin howlgalo qorsheysan oo ciidamada gaarka ah ee Israa’iil ay fuliyeen, balse wuxuu ahaa sida ay IDF sheegtay mid si fursad ah ay ula kulmay ciidamada Israel ee ku sugan Rafah ee koonfurta Gaza.

Ciidamada Difaaca Israel ayaa sheegay in cutub ka tirsan guutada 828-aad ee Bislamach oo aagaa deeganka Tal al-Sultan, ku sugnaa uu dagaal iska hor imaada dhexmaray saddex qof oo hubaysnaa Arbacadii.

Waxa uu sheegay in Ciidamadooda ay ka war heleen Saddexda nin oo marba guri guri ku ordayay,islamarkaana ay rasaaseeyeen hor inta uusan midna meel aadin.

Ninka lagu sheegay inuu Sinwar yahay ayaa “kaligiis ku cararay mid ka mid ah dhismayaasha” waxaana la dilay ka dib markii lagu weeraray diyaarad aan duuliye lahayn.

Ma jiro mid ka mid ah la-haystayaasha Sinwar oo la rumaysan yahay in uu u isticmaalayey sida gaashaanka.

Muuqaallo ay duubeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ayaa goor dambe oo Khamiista la sheegay inay muujinayaan daqiiqadihii ugu dambeeyay ee Sinwar ka hor inta aan la dilin.

Muuqaalka ayaa u muuqda mid lagu soo duubay diyaarad Drone ah oo ku duulaysa daaqado furan oo ku yaalla dhismo inta badan burburay.

IDF, waxay sheegeen in maydka la baaray iyagoo intaa ku daray in uusan waqti badan qaaday Fiidnimadii Khamiista, Israa’iil waxay ku dhawaaqday in la dhammaystiray baaritaana iyo in Sinwar ay xaqiijiyeen in la dilayy.

Sawir laga qaaday goobta ayaa muujinaya Sinwar oo ku labisan qalabka dagaalka, isagoo meyd ah oo ku dhex jira burburka dhismo uu ku dhacay madfac taangiga.

Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Natenyahu ayaa soo dhaweeyey dilka ciidamadiisa ee Yahye Sinwar, basle wxuu sheegay in guushaasi aysan ahayn Dhammaadka dagaalka

Hadal muuqaal ah oo uu soo saaray, ayuu Mr Netanyahu ku sheegay in Israa’iil ay sii wadi doonto dagaalka xoog leh ilaa dhammaan la haystayaasha ay ka ku soo gurya celiyanaan Israa’iil.

Madaxweyne Bidne iyo ku xigenkiisa kamala Harrisba waa ay ka hadleen dilka Sinwar.

Madaxweyne Biden waxa uu sheegay in dhimashadiisu ay maalin wanaagsan u ahayd Israa’iil, Maraykanka iyo caalamkaba, balse waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay tani soo bandhigayso fursad lagu soo afjarayo dagaalka lana soo celinayo la haystayaasha. Mr Biden ayaa saxafiyiinta kala hadlay dilka Sinwar kadib markii uu gaaray magaalada Berlin ee dalka Jarmalka isaga oo wadahadalo la yeeshay ra’iisul wasaaraha Jarmalka.

Madaxda kale ee ka hadlay dilka Sinwar waxaa ka mid ah madaxweynaha Faransiiska oo sheegay in geerida Sinwar ay u tahay Israa’iil isbaddel iyo guul miliar oo u soo hoyatay waan in aakhirka la keenaa buu yiri argatida siyaasaed ee labada israa’iil iyo falastiin.

Madaxa xafiiska siyaasada ee Xamaas Yahya Sinwar waxa uu caqabad ku ahaa xabad joojin iyo in si shuruud la’aan ah loo sii daayo dhamaan la haystayaasha,” ayuu yiri madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell.

Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa sheetay in in dilka Yahya Sinwar, ay muujinayso “waji cusub” oo Bariga Dhexe.

Waxaan ilaa hadda la garanayn jawaabta Xamaas laakiin Tifaftiraha amniga ee BBC-da ayaa aaminsan in jawaabta aan la aqbali karin ee Xamaas ka dib dilkii hogaamiyahooda Yahya Sinwar ay tahay inay ku dhawaaqaan inuu yahay “shahiid”, wacad ku maray aargoosi iyo inuu go’aansado inuu sii wado iska caabinta iyo la dagaalanka Israel.

Hogaamiye kasta oo Xamaas soo maray tan iyo 1990-meeyadii waxa dilay Israa’iil, laakiin had iyo jeer waxaa jiray qof beddela. Iyadoo Israa’iil ay u dabaal-degayso dilka Sinwar, Xamaas waxaa wali gacanta ugu jiray la-haysteyaasha isreaa’iliyinta ah iyagoo welina dagaallamaya.

Kumaa ahaa Yahye Sinwar

Yaxye Ibraahim Sinwaar, wuxuu dhammaadkii bishan october oo kale sanadkii 1962-kii ku dhashay xeraha qaxootiga ee Khan yoonis ee Qasa.halkaas oo yaraantiisi ku soo barbaaray.

Sinwar waxa uu waxbarashadiisii ku qaatay iskoolo ku yaalay khan Yoonis ilaa uu ka dhamaystay waxbarashadiisii sare, ka dibna waxa uu ku biiray jaamacada Islaamiga ah ee Gaza isagoo heerka kowaad e jaamacada ku qaatay Luuqada carabiga.

Waa 62 sano jir , cimrigiisii dhalinyarinada wax ka badan 22snao ku soo qaatay xabsi ku yaalla Israa’iil

Sannadkii 1982-kii, ayaa markisii kowaad la xiray isagoo eedo loo tiryey sanadkii 1988-dii ayaa mar kale israa’iil ay xireen isagoo markii danbe xabsiga laga sii daayey sanadkii 2011kii.

Sii dayntiisa ayaa ku timid is dhaafsi maxaabiiseed oo dhexmaray Xamaas iyo Isreaal, ka dib markii Israa’iil ay kun qof oo maxaabiis reer falastiina oo Yaxye Sinwar ka mdiaa ay ku baddelatay Gilad Shalit oo ahaa askari israa’iili ah oo ay gacanta ku hayeen Xamaas.

Waa mid ka mid ah xubnihii ugu horreeyay ee Xamaas, wuxuuna ka qayb qaatay samaynta hay’addeeda amniga ee loo yaqaanno (Majd).

Bishii Sebtembar 2015, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Yahya Sinwar ku dartay liiska madow ee “argagixisada caalamiga ah.”

Heerka siyaasadeed ee Xamaas, ayaa intaa ka dib sii kordhaysay sanadkii 2017, Sinwar waxaa loo doortay madaxa xafiiska siyaasadda dhaqdhaqaaqa ee Marinka Gaza.

Sarkaal hore oo Israa’iili ah oo ka mida dadka aadka u yaqaana Sinwar, laguna magacaabo Shin Bet Micha Kobi, intii xabsiga Israa’iil ku jiray sinwarna waraystay 150 saacadood dabaqaayadii sideetamayeedii iyo horaanta sagaashameeyadii ayaa ku tilmamay nin adag oo qalafsan sida laga soo xigtay majalada Washington Post.

Waxa loo arkayey inuu ahaa nin saamyn weyn ku leh kooxda, markii Tehran lagu dilay hoggamiyihii siyaasadda ee Kooxda Xamaas Ismaaciil Haniyah, kooxda ayaa Yaxye Sinwar u magacday inuu noqdo hoggaamiyahadooda guud.

Wuxuu waqti dheer liiska hore kaga jiray madaxda Xamas ee hay’adaha ammaanka Israa’iil ay sida weyn u doon doonayeen isagoo dhowr jeer ka badbaaaday isku dayo lagu qaarajin lahaa.

Israa’iil waxay ku tilmaameen Yaxye Sinwar inuu ahaa Maskaxdii abaabushay fulisayna weerarkii 7-dii October ee snadkii 2023 kooxdu ku qaday gudaha Israa’iil.

Sinwar, laguma arag meel fagaare ah tan iyo weeraradii October, waxaana la rumeysan yahay inuu ku ku jiro “10 dabaq oo dhulka hoostiisa ah” oo ku yaal Qasa sida uu sheegay bishii June xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken.

Ugu danbayn Israa’iil ayaa sheegay in howlagl ay ciidankeedu fuliyeen ay ku dileen Yaxye Sinwar basle wali Xamas war kama soo saarin geeridiisa.

Related posts

Xafiisyada Hantidhowrka Soomaaliya & Sweden oo kala saxiixday heshiis wada-shaqayn oo soconaya 5-sano

Ururka Kaah oo ka shiraya cidda uu xulufo la noqonayo doorashooyinka soo socda.

Abdiaziz Bnnstaff

David Cameron oo sheegay in Xulafada Israel uu haatan ka sii dhamaanayo dulqaadka

Abdiaziz Bnnstaff