Heshiiskii lagu dhawaaqay Janaayo 1, 2024 ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa sii kordhinaya xiisadda Geeska Afrika ka dib markii ay ka dhalatay fal celin ballaaran.
Heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland oo ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, balse aan marnaba beesha caalamku aqoonsan ayaa si gaar ah u qeexaysa dhismaha Saldhig Millatari oo ay Itoobiya leedahay iyo xarun ganacsi oo laga dhisayo Xeebaha Somaliland. Taas beddelkeeda, Itoobiya waxay ballan-qaadeen inay Somaliland u aqoonsadaan dal madax-bannaan, sida ay sheegeen maamulka Hargeysa.
Iyadoo taas ka jawaabeysa, Soomaaliya waxay u yeeratay safiirkeedii u fadhiyay Itoobiya, waxayna cambaareysay xadgudub ay sheegtay in lagu sameeyay madax-banaanideeda.
Xaaladan ayaa ah mid ay si dhow isha ugu hayaan dhamaan wadamada gobolka gaar ahaan dalka Jabuuti oo ay maraan ku dhawaad 95% waxyaabaha ay Itoobiya dhoofiso iyo 80% agabka ay soo dejiso.
Hadda Daa’uud Hummad oo ah afhayeenka aqlabiyadda ee madaxtooyada Jabuuti oo la hadlay warbaahinta RFI ee laga leeyahay Faransiiska ayaa sheegay inay doonayaan inay doorkooda diblomaasiyadeed ay ka cayaaraan.
“Marka hore, Jamhuuriyadda Jabuuti waxay ka xun tahay xiisad dheeraadda ah gaar ahaan mandaqada Geeska Afrika oo horay u soo martay xiisado soo noq-noqday, mushkiladda Soomaalida iyo tan Soomaaliyeedna waxay qusaysaa Soomaalida oo keliya. Annagu kuma faragelin arrimahooda gudaha,” ayuu u Daa’uud Humma u sheegay warbaahinta RFI oo ay BBC-da ka soo xigatay.
“Waxa aan daacad ka nahay ballanqaadkeena diblomaasiyadeed ee mabaadii’da aasaasiga ah ee quseeya caddaaladda iyo nabadda gobolka geeska afrika.”
“Jamhuuriyadda Jabuuti waxay soo jeedinaysaa in si Soomalinimo oo qoysnimo loo dhameeyo mushkilada, waa taladayada,” ayuu yiri Daa’uud.
“Hadda waxa aan hayna madaxnimada meertada ee uruur goboleedka Igad gaar ahaan Jabuuti oo khibrad u leh arrinta. Dalka Jabuuti waxaa uu horey dhex dhexaadin ka sameeyay oo uu u kala dab qaaday dhibaatada Suudaan ka dibna Somaliya iyo Somaliland. Dalka Jabuuti waxa uu diyaar u yahay inuu khibradiisa u soo bandhigo cidda ay khusayso,” ayuu intaas ku daray Daa’uud Humma.
Dhanka kale waxaan la xirirnay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya si ay uga falceliyaan qaabka ay Jabuuti uga hadashay arrintan bale waa ay ka gaabsadeen.
Maxay weli u aamusan yihiin Imaaraatka Carabta iyo dalalka xubnaha ka ah urrurada sida, IGAD, EAC, iyo AU marka laga reebo Masar waase kuwee dalalkan?
Isutagga Imaaraatka carabta
Dalkan Carbeed ee saliidda hodanka ku ah wuxuu bilowgii sannadkan ku biiray ururka dhaqaalaha ee BRICS oo ay hogaaminayaan dalalka, Ruushka, Shiinaha, Hindiya, Koonfur Afrika iyo Brasil.
Ururkani wuxuu laba jibbaarmay kadib markii ay Isniintii ku biireen shan dal oo kale oo kala ah, Masar, Sucuudiga, Imaraatka, Iiraan iyo Itoobiya.
Haddaba ka sokow in Itoobiya iyo Imaaraatku ay kuwada biireen ururkan – taas oo ugu yaraan keenaysa in uu ka fiirsado mowqifkiisa ku aaddan arrinkan; Imaaraatku wuxuu Itoobiya iyo Somaliland la lahaa xiriir kale oo dhaqaale, “ Imaaraatku waa dalka kaliya ee maal geliyey dawladda Somaliland ee u dhisay dekaddan Berbera marka iskaashigooda awgii waxay u muuqataa in ay Imaaraatku u yar dhowyihiin Somaliland iyo Itoobiya.” Ayuu yiri Axmed Zaki faarax Iidle oo ka faalooda xiriirka caalamiga ah.
Haddiiba uu Imaaraatku ka hadlo arrinkan, sida uu qabo Axmed Zaki, Itoobiya in uu taageero ayaa uga dhow in uu Soomaaliya ku taageero khilaafkan ka dhex aloosmay labada dal ee jaarka ah.
Dalalka ay xubnaha ka wada yihiin Soomaaliya urur goboleedyada iyo Midowga Afrika.
Soomaaliya waxay ka tirsan tahay ururro badan oo calami ah qaarkoodna yihiin kuwa gobolka. Itoobiya iyo Soomaaliya waxay ka wada tirsan yihiin urur goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika mana jiro illaa hadda dal xubin ka ah labadan urur oo ka hadlay marka laga reebo Masar oo iyadu ka duwan iyo Jabuuti oo maanta si dhexdhexaad ah uga hadashay.
Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo ah wasiirkii hore ee batroolka ee Soomaliya kana faalooda arrimaha siyaasadda oo BBC la hadlay ayaa leh: “Marka ay imaato arrintan (heshiiska) ee hadda u dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya waxaa ku jira qayb ah ‘aqoonsi’, taa weeye arrinta adag ee mowqif ka-qaadasho marka ay timaaddo ay u baahan yihiin dawladuhu,” in ay ka fiirsadaan.
Sida uu sheegay Maxamed, mararka qaar waxaa go’aan ka gaara arrimaha siyaasadda dalalka; shakhsiyaad ka tirsan masuuliyiinta dalkaas halka xilliyada qaar ay ha’adaha dawladdu soo saaraan go’aanada iyo mowqifyada ku aaddan kolba waxa jira markaas. “Degdegga go’aan qaadashadu waxay ku xiran tahay hadba cidda go’aanka gaaraysa,” ayuu yiri Maxamed oo qaba in ay suurta gal tahay lana fili karo in ay goor dambe dalalkani ka hadlaan arrinta, taas oo dhacday kadib markii uu Turkigu ka hadlay afar maalmood kadib.
Dhanka kale, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Xamsa Aadan Xaadoow oo waraysi siiyay BBC-da, ayaa sheegay in ay wali jawaab ka sugayaan xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD kaddib bayaan kii uu ka soo saaray khilaafka cusub ee ka dhex curtay Itoobiya iyo Soomaaliya. (Waraysiga oo dhamaystiran hoos ayaad ka dhagaysan kartaa).