Borama News Network

Yuusuf Garaad: “Tallaabada Itoobiya waa mid dhaawacaysa Dal weliba oo Afrika ah”.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo si xeer dheer uga hadlay heshiiskii sharci-darrada ahaa ee Itoobiya & Somaliland ay ku galeen Magaalada Addis Ababa ayaa sheegay heshiiskaas uu yahay mid guud ahaan dhaawaca qaaradda Afrika.

Yuusuf Garaad ayaa sheegay in fasiraad dhinacyo kala duwan laga bixin karo sida dhanka Somaliland marka laga eego in Madaxweyne Muuse Buuxi uu saaran yahay culays dhinacyada Doorashada & deegaannada laga qabsaday.

Dhanka Itoobiya ayuu sheegay in laga eegi karo dhinaca dagaallada sokeeye ee aanay weli heshiiska rasmiga ah dhexdooda ka gaarin in uu isaga jeedin karo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed isaga oo og in arrintaan sharci-darro tahayna ku dhaqaaqay.

Tallaabadaan ayuu ku sifeeyay in dhaawac wayn ku keeneyso Itoobiya maadaama goobta heshiiskaan sharci-darrada ah lagu saxiixay & xarunta Midowga Afrika ay isku dhaw yihiin loona baahnaa in Abiy uu tixgeliyo shuruucda AU-da.

“Tallaabada Itoobiya waa mid dhaawacaysa Dal weliba oo Afrika ah, goobta wax lagu saxiixay kama foga xarunta Midowga Afrika oo waxa ay ahayd in ay Itoobiya ilaaliso axdiga ururkaas maadaama dalka martigeliyay uu yahay, Itoobiya kaligeed uma bareeri karto badda iyo dhulka Soomaaliyeed ee waxaa jira awood kale oo wali qarsoon” Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada & xubno xilal dalka kasoo qabtay, Ururro caalami ah & Dalal dhowr ah ayaa si cad uga hor yimid heshiiskii sharci-darrada ahaa ee Itoobiya ku shaacisay in ay la gashay Itoobiya.

 

Related posts

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Dagaalka Gaza

mustafeamiin

Fahad Yaasiin Oo Madaxweyne Geelle Ku Tilmaamay In Uu Yahay Cadawga Soomaaliya !

Abdiaziz Bnnstaff

Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Oo Digniin Ka Soo Saaray Xaalada Xunuunka Shuban Biyoodka Ee Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff