Borama News Network

Soomaaliya Iyo Turkiga oo ku ballamay xoojinta iskaashiga Amniga, Dhaqaalaha, Ganacsiga Iyo Waxbarashada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac oo ku sugan Dalka Gambia ayaa Magaalada Banjul kulan gaar ah kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Turkiga Hakan Fidan oo ay kawada hadleen xaaladda iyo xiriirka labada dhinac.

Qoraal kooban oo Dowladda Federaalka Soomaaliya kasoo saartay kulankaan waxa ay ku sheegtay in Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac & Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ay isku fahmeen xoojinta qodobadii ay kawada hadleen.

Si gaar ah waxa ay labada Mas’uul uga wada hadleen Iskaashiga Amniga, Dhaqaalaha, Ganacsiga & Waxbarashada oo labada Dowladood iska kaashanayeen tan iyo sanadkii 2011kii oo xiligaas Turkigu uu Dalka kusoo galay caawinta dadkii abaartu saamaynta taban ku reebtay.

Muqdisho iyo Ankara waxaa ka dhaxeeya xiriir xooggan iyada oo Dowladda Turkiga ay Soomaaliya u tababartay ciidamo gaar ah oo isugu jira Kumaandoos iyo Booliis kuwaas oo ka howlgalla gudaha Dalka.

Dhowaan waxa ay labada Dowladood ay kala saxiixdeen heshiis dhinaca difaaca badda waxaana haatan billowday dhaqangelinta heshiiskaas oo muddada uu soconayo lagu tababarayo ciidamo Soomaaliyeed oo Mustaqbalka Amniga Baddooda la wareega.

Related posts

Benjamin Netanyahu Iyo Wasiirka Amniga Israa’iil oo isku qabtay heshiiska Xabbad-joojinta Gaza

Abdiaziz Bnnstaff

Burburka ka dhashay duqaymo cusub oo xalay uu Ruushku ku garaacay gobolada Ukraine

Abdiaziz Bnnstaff

Tirada Dadka Ku Dhintay Xajka Oo La Shaaciyay In Ay Kor Dhaafeen Kun Qof Imisa Qof Ayaana Somali Ah?

Abdiaziz Bnnstaff