Borama News Network

Soomaaliya Oo Soo Dhowaysay Qaraarka Golaha Ammaanka Ee Xabbad-Joojinta Gaza

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhowaysay qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay tirsigiisu yahay 2728 ee ku baaqaya in xabbad-joojin laga dhaqangeliyo Magaalada Gaza ee Dhulka Falastiin.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soosaartay waxa ay ku bogaadisay dedaallada socda iyo in la helo xabbad-joojin suuragelin karta in gargaarka bani aadamnimo uu u gudbo shacabka dhibaataysan.

Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay dhinac taagan tahay dhabbaha lagu gaarayo nabadgalyada si Dadka ka barakacay colaadda ay dib ugu laabtaan guryahooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay kamid tahay Dowlado horay ugu baaqay in la helo xabbad-joojin rasmi ah si loo gudbiyo gargaarka ay Israaiil u diidan tahay Shacabka dulman ee Falastiin maadaama walaac laga muujiyay heerka cunnada ee Magaalada Gaza.

Yuhuudda ayaa dhibaatooyin ka dhan ah dhinaca xuquuqda aadanaha ka gaysatay dhulka falastiin wixii ka dambeeyay 7dii Oktoobar sanadkii hore 2023 balse ma jirto cid kula xisaabtamaysa sabab la xiriirta in ay garab istaag ka haysato Maraykanka iyo Xulufadiisa.

Related posts

Fahad Iyo Geelle:- Dowlada Jabuuti Oo Ka Soo Jawaabtay Qoraalkii Cuslaa Ee Fahad Yaasiin

Abdiaziz Bnnstaff

1.5 milyan qof oo sanadkan gudanaya xajka xilli aysan reer Gaza nasiib u yeelan

Abdiaziz Bnnstaff

Shacabka Turkiga oo maanta u dareeraya codbixinta Doorashada Dowladaha Hoose

Abdiaziz Bnnstaff