Borama News Network

Soomaaliya oo Ururka Iskaashiga Islaamka hordhigtay xadgudubka Itoobiya ku samaysay madaxbannaanida Iyo wadajirka Somaliya

Daauud Aways Jaamac, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Xukuumadda Federaalka ahna Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wasiirradda Warfaafinta Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa ururkaas hordhigay xadgudubka Itoobiya ay ku samaysay Soomaaliya.

Wasiir Daauud ayaa sheegay in Soomaaliya ay difaacanayso madaxbannaanideeda, wadajirkeeda & dhammaan xuduudaheeda isla markaana ay dacwad la daba-joogayso cid weliba oo damac gurracan kasoo galo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Khudbad uu ka jeediyay Shirka ayuu Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daauud Aways uu ku sheegay in Itoobiya ay dhinac iska dhigtay shuruucda caalamiga ah ee ilaalinaya xuquuqda Dal weliba uu leeyahay.

Go’aanka Itoobiya ayuu ku sifeeyay in uu yahay mid halis ku ah amniga Geeska Afrika maadaama Xukuumadda Addis Ababa ay dhegaha ka furaysanayo baaqyada kala duwan ee loo jeedinayo si ay u joojiyo damaceeda gurracan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warqado dacwad ah oo ka dhan ah Itoobiya u dirtay Qaramada Midoobay & Midowga Afrika halka Xukuumadda Abiy Ahmed ay si bareer ah uga baaqatay shirkii Urur Goboleedka IGAD ee Kampala ka dhacay 18kii Janaayo 2024.

Related posts

Beelaha Ree Nuur Oo Taageeray Go’aankii Beesha Habarjeclo Ay Ku Dhisayso Murashax Cabdiramaan Ciro

Abdiaziz Bnnstaff

Booliska Dalka Denmark Oo Baadi Goobaya Nin Toori Ku Dilay Gabadh Somaliyeed

Abdiaziz Bnnstaff

Murashax Cabdiraxman Ciro Oo Ka Warbixiyay Heshiiska Ay Wada Galayaan Xisbiga Wadani Iyo Urur Siyaasadeedka Kaah

Abdiaziz Bnnstaff