Borama News Network

Taliska Booliska Dowlada Somaliya Oo Amray In Baadhis Lagu Sameeyo Weerarkii Ciyaartoyda Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya

Taliska ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in baaris lagu sameeynayo weerar lagu qaaday shalay Gaari Bas ah oo ay saarnaayeen Ciyaatoyda kubada cagta ee mataleysa Maamulka Koonfur Galbeed.

Taliyaha Booliska Sulub Axmed Firin oo ka hadlaayay falka lagu weeraray Ciyaartoyda Koonfur Galbeed ayaa ku amray ciidamada Booliska in ay bilaabaan baaritaano ku aadan weerarka Baska ay saarnaayeen ciyaartoyda Koonfur Galbeed.

Wuxuu tilmaamay Taliye Sulub in gaariga lagu weeraray dhagxaan, isla markaana uu jiro khasaaro dhaawacyo ah oo gaaray Ciyaartoydka, isagoo xusay in aan la ogeyn sababta keentay weerarkaasi ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa ugu baaqay dadka magaalada Muqdisho in ay ilaaliyaan sharafta iyo magaca caasimadda ayna si wannaagsan usoo dhaweeyaan taageerayasaha iyo ciyaartoyda martida u ah.

Shalay ayey markii kooxo aan la aqoonsan ay weerar loo adeegsaday dhagxaan ku qaadeen Gaari Bas ah oo ay saarnaayeen Ciyaatoyda kubada cagta ee mataleysa Maamulka Koonfur Galbeed.

Related posts

Wiil Askari ah oo Aabihii uga Tanaasulay Xukunka Dalkiisa oo uu 38 Sanno hayay.

Abdiaziz Bnnstaff

13 sanno ka dib AS oo xayiraaddii dhulka ka qaaday degmooyinka Xudur, Waajid, Diinsoor, & Qansaxdheere

Abdiaziz Bnnstaff

Inaga Oo Sidaas u Taagan Ayaa La Ansixin Doonaa Soomaaliya Ayeynu Ka Tirsanahay…” Gudoomiye Darawal Si Kulul U Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff