Borama News Network

Taliyihii Hore Ee Ciidamada Dalka Ruushka Oo Arimo Musuqmaasuq Loo Xidhay

Taliyihii hore ee ciidamada Ruushka oo walaac ka muujiyay khasaaraha badan ee militariga dalkiisa ka soo gaaray dagaalka ay kula jiraan ciidamada Ukraine ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyay wax isdaba marin ballaaran.

Maj Jeneraal Ivan Popov, oo 49 jir ah, ayaa xabsiga lagu hayn doonaa muddo labo bilood ah, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Ruushka.

Qareenkiisa oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Tass ayaa sheegtay in Jeneraalku uu beeniyay dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay.

Jeneraal Popov ayaa xilka taliyaha ciidanka 58-aad laga ceyriyay sanadkii hore ka dib markii uu si cad u sheegay dhimashada iyo dhaawaca askarta Ruushka iyo hub la’aan soo wajahday xilligaas.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaan ka hadlin arrintan.

Related posts

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Kulan La Qaadanaya Dhigiisa Dalka Masar

Abdiaziz Bnnstaff

Isreal Oo Saaka Weerar Ku Qaaday Dalka Iran Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Weerarkaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Shiinaha Oo Itoobiya Iyo Jabuuti Ku Wareejiyey Jidka Tareenka EEe Labada Dal Isku Xidha

Abdiaziz Bnnstaff