Borama News Network

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Kulan La Qaadanaya Dhigiisa Dalka Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka safray Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda oo labadii maalin lasoo dhaafay uga qaybgalay shirar ka dhacay ayaa gaaray Xarunta Dalka Masar ee Qaahira.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa martiqaad lasoo gaarsiiyay todobaadkii tagay ka helay dhiggiisa Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Cabdifitaax Al-Siisi si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labo geesoodka ah, Iskaashiga faca wayn & xaaladaha ka taagan Geeska Afrika.

Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Villa Somalia ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Masar ay diiradda saarayaan xaaladaha Gobolka & Danaha wadajirka ah ee labada Jamhuuriyad ee Soomaaliya & Masar.

Masar ayaa Soomaaliya ku garab istaagtay mowqifkeeda ay ku ilaalsanayso madaxbannaanideeda & wadajirkeeda iyada oo cambaaraysay tallaabadii xadgudubka ahayd ee Itoobiya qaadday billowgii sanadkaan 2024.

Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in marka uu soo dhammaado kulanka uu la qaadanayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar in uu faah-faahin ka bixiyo qodobada ay isla meel dhigeen & iskaashiga labada Dal.

Related posts

Golaha Guurtida Somaliland Oo War Cusub Soo Saaray Xili Laga Wada Dhursugayo Xeerka Doorashooyinka Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

LAASCAANOOD : Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay

Abdiaziz Bnnstaff

Masar Oo Imaraatka Carabta Jasiirad Kaga Kiraysay Lacag Dhan 35 Bilyan Oo Dolar

Abdiaziz Bnnstaff