Borama News Network

Talyaaniga oo sheegay in hadii Trump ku guuleysto joojinta dagaalka Ukraine uu mudan yahay abaalmarinta Nobel ka

Wax yar ka hor, waxaan idiin soo gudbinay warbixino ay qoreen warbaahinta Ruushka oo sheegaya in Moscow ay diyaar u tahay inay dhageysato qorshaha Donald Trump uu ku joojinayo dagaalka Ukraine.

Balse haatan ra’iisul wasaare ku xigeenka Talyaaniga ayaa u muuqda mid rajo ka qaba natiijada ka dhalan karta wada hadal dhex mara Trump iyo Vladimir Putin – isagoo soo sheegay on dadaalkaas nabadeed hadii uu sameeyo inuu ku kasban karo madaxweynaha la doortay abaal marinta Nobel ka.

“[Madaxweynaha la doortay] Donald Trump waa in uu helaa abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize haddii uu ku guulaysto soo afjarida colaadda u dhaxaysa Ruushka iyo Ukraine,” Matteo Salvini ayaa sidaas ku yiri boggiisa X. “Marka laga soo tago badbaadinta nafaha, qaraarkani wuxuu nooga tagi doonaa mustaqbal degan marka loo eego waxa ay Dimuqraadiyiintu nooga tageen ilaa hadda.”

Related posts

Ninkii jecla iyo kii Necbaayow Somaliland Waxa Baabinaaya Muuse Biixi Ee Maxastu Ha Sii Qaxdo” Suldaan Cabdiraxmaan Good

Abdiaziz Bnnstaff

Maraykanka Oo Sheegay In Uusan Ka Qayb Qaadanayn Haddii Israa’iil Ay Weerar Celin Ku Samayso Iran

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Wajaale

Abdiaziz Bnnstaff