Borama News Network

Turkiga oo ku guulaystay Duullimaadkii ugu horreeyay ee diyaarad casri ah oo kuwa dagaalka ah laguna magacaabo KAAN.

Dowladda Turkiga ayaa ku guulaysatay duullimaadkii ugu horreeyay ee Diyaarad dagaal ah oo nooca casriga ah oo dalkaas lagu sameeyay oo loogu magac-daray KAAN waana tijaabo kale oo Xukuumadda Ankara ka gudubtay marka la eego dhinaca soosaarka Diyaaradaha Militariga.

Diyaaraddaan waxaa soosaartay Shirkadda loosoo gaabiyo TAI (Turkish Aerospace Industries) ee sanadihii u dambeeyay ku dhaqaaqaysay horumarka la xiriira ka gungaarista in Dalka Turkiga uu gacmihiisa ku samaysan karo Diyaarad weliba halkii Lacag badan uu ku bixin lahaa iibkeeda.

Dad badan oo Turki iyo Ajaanib isugu jira ayaa ka falceliyay tallaabadaan oo markale indhaha kusoo jeedisay Dalkaan iyada oo ay suuragal tahay in ay ka iibsadaan Waddamo kala duwan oo u baahan diyaaradahaan Casriga ah.

Dalabaad kala duwan ayay durba Xukuumadda Ankara u helaysaa waxsoosaarkeeda dhinaca Teknoolajiyadda taasi oo ay horay usoo jiiteen diyaaradaha Duulliye la’aanta ah ee Bayraktar iyo kuwo kale oo casri ah oo dalkaas lagu farsameeyey.

Dhinaca Teknoolajiyadda ayuu Turkiga horumar muuqda ka samaysanayay sanadihii u dambeeyay, Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ballanqaaday in uu dalkiisa u horseedi doonna gaarista Yoolka & Himilooyinka u muuqda.

Related posts

Dowlada Kenya oo dalal kale oo Afrikaan ah ka dhaaftay khidmada dalkugalka bilaashka ah

Abdiaziz Bnnstaff

Tower 22: Saldhigga Milatari Ee Ay Doonayeen In Mareykanka iyo Urdun Ay Qariyaan Ee La Weeraray

Abdiaziz Bnnstaff

Anba Naburkaas Igu Yaala Waxaa Igu Dhifatay Jabhadii Wabar” Siyaasi Ramaax

Abdiaziz Bnnstaff