Borama News Network

Ugu yaraan 18 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Waqooyiga Dalka Nigeria

Weerar ku dhacay Gobolka Borno ee Waqooyiga Dalka Nigeria ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 18 ruux iyo dhaawaca dad kor u dhaafaya 30 qof waxaana suuragal ah in khasaaraha uu intaas kasii kordho maadaama weerarkaas uu xoogganaa.

Goobta weerarka ka dhacay waxaa ka socday Xaflad meher ah waxaana ku sugnaa Dad badan oo ah ehelka iyo Asaxaabta lamaanaha sameysanayay Xafladdaas sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Hay’adaha Amniga Nigeria.

Qaraxyada dhacay ayaa loo badinayaa in loo adeegsaday Dad lagu soo xiray walxaha qarxa kuwaas oo dhexda ka galay goobaha weerarradu ka dhaceen inkasta oo aanay jirin faah-faahin dhammeystiran oo laga hayo arrintaan.

Ku dhowaad 15 sano waxaa Gobolka Borno ka dhacaya weeraro ay ku dhiig-baxeen Dad badan oo rayid ah waxaana mas’uuliyadda weerarradaas qaarkood sheegatay Kooxda Boko haram ee dagaalka kala soo horjeedda Dowladda Nigeria.

In ka badan 2 Milyan oo ruux ayaa Gobolkaas naftooda kala baxsatay kaddib markii joogto ay ka noqdeen weerarrada Boko Haram, Kooxdaan ayaa indhaha caalamka soo jeedisay sanadkii 2014kii waxaana xigay howlgalkii caalamiga ahaa ee lagu beegsaday.

Afduubka Ardayda, Dadka reer Miyiga, beegsiga Saldhigyada Ciidanka & Goobaha Bulshadu ku badan tahay waa meelaha inta badan Dadka Nigeria gaar ahaan Gobolka Borno ku xusuusataan Kooxda Boko Haram sida hadalka loo dhigay.

Related posts

Golaha Wasiirrada Somaliya oo maanta go’aan ka gaadhaya Heshiiska Somaliland Iyo Itoobiya ku dhexmaray Addis Ababa.

Abdiaziz Bnnstaff

Israa’iil Oo Shaacisay Qorshaha Cusub Ee Ay Ku Galayso Dagaal Qasa Xilli Kuwii Hore Fashil Noqdeen

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiir Toore Oo War Cusub Ka Soo Saaray Xaalada Dhaqaale Ee Somaliland