Borama News Network

Wadamada Carabta Iyo Bartamaha Aasiya Oo Dowlada Somaliya Ku Garab Istaagay Ilaalinta Madaxbannaanida Iyo Wadajirka.

Magaalada Dooxa caasimadda Dalka Qatar waxaa kusoo gabagaboobay shirkii u dhaxeeyay Wadamada Carabta & Bartama Qaaradda Aasiya oo lagu soo hadal qaaday qayb kamid ah fadhigaas faragelinta gurracan ee Itoobiya ku samaysay Soomaaliya.

Warsaxafadeed laga soosaaray shirkaas ayaa lagu sheegay in Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Dalalka Carabta, kuwa dhaca bartamaha Aasiya ee kala ah Azerbaijan, Uzbekistan, Tajikistan, Turkmenistan, Jamhuuriyadda Kyrgyz & Kazakhstan ay kahor yimaadeen damaca Itoobiya.

Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abul-Qayd ayaa dhankiisa sheegay in ka urur ahaan ay dhinac taagan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya oo meel cad ka istaagtay damaca gurracan ee Itoobiya shaacisay 1dii Janaayo 2024.

Halkaan hoose ka aqriso qodobada kasoo baxay Shirkaan:

1-Wasiirradu waxay cadeeyeen inay ka soo horjeedaan faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee dalalka islamarkaana waxay ku baaqeen in la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed si waafaqsan Axdiga iyo mabaadi’da Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah.

2-Wasiirradu waxay si gaar ah u taageerayaan amniga, xasiloonida, midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, waxayna ku taageereen dawladda dadaalka ay ugu jirto ilaalinta madax-bannaanida Soomaaliya ee berriga, badda iyo cirkaba, sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Qodobada Axdiga Jaamacadda Carabta, isla markaana waxay taageereen dhismaha hay’adaha dowliga ah ee dalka.

3-Wasiirradu waxay caddeeyeen inay si buuxda u taageersan yihiin mawqifka ay dawladda Soomaaliya ka qaadatay heshiis beenaadkii ee 1/1/2024 wada saxeexdeen Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya iyo maamulka “Somaliland”.

4-Wasiirrada ayaa sheegay in heshiiskan is afgarad uu u taagan yahay ku xad-gudub bareer ah oo lagu sameeyay mabaadi’da sharciga caalamiga ah, iyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, xiriirka deris wanaagga, nabad ku wada noolaanshaha iyo xasilloonida gobolka.

5-Wasiirradu waxay muujiyeen diidmadooda ku aadan heshiiskaas iyo tallaabo kasta oo sharci, siyaasad, ganacsi iyo mid ciidan ah oo ka dhasha, waxayna ku booriyeen dhammaan dalalka inay cambaareeyaan oo ay diidaan heshiiskaas.

6-Wasiirrada ayaa sidoo kale diiday isku dayga looga faa’iideysanayo heshiis beenaadka si xaalad cusub oo siyaasadeed looga abuuro Gacanka Cadmeed, xeebaha Soomaaliya iyo Badda Cas, taaso oo ay ku tilmaameen tallaabo halis gelineysa amniga wadamada Carabta iyo isu-socodka Gobolka.

Itoobiya ayaa waji-gabax kala kulantay damacii ay kusoo bandhigtay in heshiis ay la gashay Somaliland (Gobollada Waqooyi) kaas oo ka dhigan in qayb kamid ah Badda Soomaaliya ay kiraysatay muddo 50 sano ah balse waxaa kahor yimid Dowladda Federaalka oo ugu dambayn garab istaag xooggan ka heshay Dalal iyo Ururro kala duwan.

Related posts

Toogasho Ay Dad Ku Dhinteen Oo Ka Dhacday Dalka Mareykanka Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Toogashadaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Aqalka Cad Ee Looga Arimiyo Dalka Maraykanka Oo Walaac Xoogan Ka Muujiyay Heshiiska Somaliland Iyo Dowlada Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

Maandooriyihii ugu badnaa oo howlgallaga helay Dukaamo lagu iibinayey Cuntada Quutul-duruuriga.

Abdiaziz Bnnstaff