Borama News Network

Wafdigii ku baxay xal u helista Dagaal-beeleedka Luuq oo kulamo ka billaabay Degmadaas

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ee Degmada Luuq ee Gobolka Gedo u tagay xal u helista dagaal-beeleedka ka dhacay Degmadaas ayaa billaabay kulamo gaar-gaar ah.

Ergadaan isugu jirta heer Federaal iyo Heer Dowlad-Goboleed ayaa ugu horreyn Odoyaasha Dhaqanka Beelaha Dagaalamaya oo si hordhac ah isku arkeen ay kawada hadleen sida loo gaari karo xal-waara oo dib usoo celin kara Nabadda & is dhexgalka labada Beel.

Maanta ayaa lagu wadaa in kulan weyne ay isugu tagaan meel kamid ah Degmada Luuq ee Gobolka Gedo si ay u saldhigaan xabbad-joojin ka dhaqan-gasha Degmadaas si kaddib looga wada-hadlo dhibaatada ka dhalatay dirirta dhex-martay labada Dhinac.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa dhankiisa waxa uu Odoyaasha u ballanqaaday in gacan adag lagu qaban doonno maleeshiyaadka dagaalamay si aanay markale u dagaalamin.

Related posts

Raysal Wasaare Xamse Oo Isku Shaandheyn Iyo Magacaabis Ku Sameeyay Golaha Wasiirada

Abdiaziz Bnnstaff

“Daarood isaga oo aan ka talin Goday & Jigjiga ayuu rabaa inuu Sool ka taliyo” Amiir Saleban Roble.

Abdiaziz Bnnstaff

Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika oo soo dhaweeyay heshiiska Itoobiya iyo Soomaaliya, kuna baaqay in la siiyo maalgelin joogto ah AUSSOM

Abdiaziz Bnnstaff