Borama News Network

Wafti Sare Oo Ka Socda Dowlada Itoobiya Oo Gaadhay Magaalada Muqdisho Iyo Ujeedada Socdaalka Waftigaasi

Waxaa magaalada Muqdisho soo gaarey mas’uuliyiin ka socda dowladda Itoobiya, kuwaasi oo ay qeyb ka yihiin Wasiirka Difaaca, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Mas’uuliyiin kale.

Xubnahan ayaa Madaxda Dowladda Federaalka kala hadli doona joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya, xilli uu billaawday howlgalka AUSSOM.

Dowladda Itoobiya ayaa ku dadaaleysa in ciidamadeeda ay sii joogaan gudaha Soomaaliya, si ay uga mid noqoto howlgalka AUSSOM.

Itoobiya ayaa ku andacooneysa in joogitaanka Soomaaliya ay xaduudka ka difaacdo weeraro uga yimaada Kooxda ka dagaalanta Somaaliya.

Safarka Wafdigaan ay magaalada Muqdisho ku yimaadeen ayaa ku soo aadaya xilli hore dowladda Soomaaliya ay Itoobiya kaga reebtay howlgalka AUSSOM.

Related posts

Raysal Wasaare Xamse ” “Maanta Wixii Ka Danbeeyo Waxaa Na Dhaaftay Tii Gaajo Aheyd”

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliland Oo u Jawaabtay Ilhaan Cumar Oo Ka Hadashay Heshiiskii is-Afgarad Ee Badda

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaa sanadkaan ku cusub Xujayda gudanaysa Rukniga 5aad ee Arkaanta Islaamka?

Abdiaziz Bnnstaff