Borama News Network

Wariye Cabdisalan Hereri Oo Sheegay In Uu Ka Badbaaday Rasaas Ay Ku Fureen Booliska Somaliland

Wararka ka imaanaya magaaladda Hargaysa ee Somaliland ayaa sheegaya in Wariyaha caanka ah ee Cabdisalan Hereri uu ka bad baaday Rasaas lagu furay.

Wariye Hereri ayaa sheegay in Jimcihii Tagay isaga iyo qoyskiisa ay ka bad baaden rasaas ay ku fureen askar ka tirsanayd ciidamada Booliska Somaliland.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Hereri:

Waxaan Ilaahay ugu mahadnaqayaa in jimcahii galabnimadii in aniga iyo family-gayga uu ilaahay naga nabad geliyay rasaas nalagu furay Hargeysa.

Bilayska oo nimankaasi ay ka tirsanaayeen aad ayay u dadaaleen oo mid ka mid ah labadii nin ayay soo xidheen ee laakiin mid ayaa maqan.

Anigu waxaan doonayaa in aanay nimankaasi dad kale dhibaataynin.

Waxaan rajaynayaa in ay in ay bilayisku ninkii kalena soo qabtaan.Ilaa hada ma cadda sababta keentay falkaasi khatarta ah ee uu ka bad baaday Hereri.

Related posts

“Dumarka Maxaa u Diidaya Inay Yagoo 40 Jira Ay Wiil Yar Guursadaan” Wasiir Yurub Abiib.

Abdiaziz Bnnstaff

Turkiga Oo Duqaymo Ka Fuliyay Dalalka Suuriya Iyo Ciraaq Ka Dib Weerar Lagu Laayay Askar Turki Ah

Abdiaziz Bnnstaff

Nin dab isku qabadsiiyey afaafka hore ee Safaaradda Israa’iil ee ku taalla Washington

Abdiaziz Bnnstaff