Borama News Network

Wasiirka Arrimaha Guddaha Oo Baarlamanka Soomaliya Horgeeyay Qorshe lagaga hortagayo Guurka Dad Badan Ku Sirmeen

Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macalin Fiqi ayaa Baarlamaanka Federaalka horgeeyay Hindise sharciyeedka dad-dhigista, isagoo mudanayaasha golaha uga warbixiyay faa’iidada uu dalka u leeyahay Sharcigaas.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa yiri, “Kuwa guursanayaa waa inay is-diiwaangeliyaan, qudbo sirada meeshaas ayay ku dhamaanaysaa”.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintan ay fududeyn doonto in dowladda Soomaaliya ay la socoto tirada qoysaska ee dalka ka dhisan iyo Caruurta dhasha sanadkiiba.

Sidoo kale waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ee dadka Soomaalida ah loogu diido dal ku galka marka ay u dhoofayaan dalka dibadiisa ay tahay inaysan jirin hab lagula socdo qoysaska ku nool dalka gudihiisa.
Wasiirka ayaa sheegay in xogta muwaadiniinta lagu uruurin doono hal xarun oo ay ku jirto xogta baasaboorka oo hadda dalka dibadiisa ku keydsan.

Related posts

Imaaraadka Carabta Oo Lagu Eedeeyay In Ay Dhaqaale Ku Bixiyeen Si Loo Fuliyo Dilal Siyaasadeed

Abdiaziz Bnnstaff

Wadaad Haysta Kaniisad Itoobiya Ku Taalo Oo Ku Baaqay In Weerar Lagu Qaado Abiy Ahmed Iyo Dacwada Lagu Soo Oogay

Abdiaziz Bnnstaff

Hooyo, Waxaan Arkay Iyadoo Wada Holceysa Oo Gubanaysa” Caruurt Luul, Oo Xamar Lagu Gubay.

Abdiaziz Bnnstaff