Borama News Network

Booliska Soomaliya Oo Soo Bad Baadiyay Cunug Yar oo Lix Saac Sabab Yaableh Loogu Haystay Guri Ku Yaala Muqdisho

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta soo bad-baadiyay ilmo yar oo saddex sano jir ah, kaas oo sabab yaab leh loogu xiray guri ku yaalla degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Howlgalkan oo ay sidoo kale ka qayb-qaateen ciidamada Dharcadda ee NISA ayaa waxaa lagu soo bad-baadiyay Yuusuf Kulmiye Xasan oo saddex sano jir ah, kaas oo ay hay’adaha amnigu sheegeen in muddo lix saacadood ah lugu xiray guriga ay kasoo dhex saareen.

Sababta halkaasi loogu xiray ayaa waxaaa lagu sheegay dhaqan celin, taas oo noqotay arrin aad loola yaabay.

“Ciidamada Boliiska Saldhiga Degmada Xamar Jajab oo kaashanaya Ciidanka Hay’ada Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka ee NISA, qaybteeda Dharcadka ee Degmadaas ka hawl-gasha ayaa soo bad-baadiyay cunug yar oo 3 sano jir ah oo lagu xiray guri ku yaala Degmadaas” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska booliska gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Cunuga yar oo lagu magacaabo Yuusuf Kulmiye Xasan ayaa ku xidhnaa mudo 6 saac ah guri lagu sheegay dhaqan Celin”.

Related posts

Wadahadalladii Qahira Ka Socday Ee Ku Saabsanaa Xabbad-Joojinta Gaza Oo Mar Kale Dhicisoobay

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Wasiiru dowlaha gaashaandhiga Boqortooyada Ingiriiska

Abdiaziz Bnnstaff

” Heshiiska Somaliland dareen fara badan ayuu ka dhaliyey Aduunyada oo dhan” Wasiir Maxamed Kaahin.

Abdiaziz Bnnstaff