Borama News Network

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya “Xiriirka Soomaaliya Iyo Turkiga Waxa Uu Gaaray Meel Sare”

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu sare u qaadmay kaddib markii labada Dowladood ay kordhiyeen cilaaqaadka ka dhaxeeya.

Dhinacyada Waxbarashada, Militariga, Ganacsiga, Teknoolajiyadda & kuwo kale ayuu sheegay in ay xoogga saareen Dowladaha Soomaaliya & Turkiga si aanay looga daba harin dunid kale ee horumarka ka sameysay dhinacyadaan.

Dowladda iyo Shacabka Turkiga ayuu ku amaanay doorka ay ka qaadanayaan sare u qaadista Waxbarashada Ardayda Soomaaliyeed, waxa uu rajeeyay in Xukuumadaha Muqdisho & Ankara ay ka shaqeyn doonnaan xoojinta iskaashigooda saldhigtay sida uu hadalka u dhigay.

“Xiriirka Labada Dal waxa uu ka gudbay heerar kala duwan oo maanta uu marayo heer istaraatiijig ah oo aan is weydaarsaneyso dhaqaalaha, Amniga & Culuumta kala duwan ee Teknoolajiyadda, waxa aan u mahadcelineynaa Dowladda Turkiga sida ay ugu hiilisay Dadka Soomaaliyeed” Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac

Hadalkaan waxa uu Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ka jeediyay munaasabad ka dhacday Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya oo lagu abaalmariyay Arday wax ku baratay Dalkaas.

Related posts

“Madaxweyne Wasiirada Aad Noo Soo Doortay Nama Anfacaan Ee Ka Noqo..” Xildhibaan Bille

Abdiaziz Bnnstaff

Nin Turkish Ah Oo Dilay Waalidkiisa, Xaaskiisa Iyo Wiilkiisa Iyo Waxa Ku Kalifay Oo La Soo Ogaaday

Abdiaziz Bnnstaff

Xukuumada Madaxwayne Ciro Si Adag Uga Hadashay Ganacsade La Sheegayo In Somaliya Kooto Ugu Xidhay Dhaafka Xoolaha

Abdiaziz Bnnstaff