Borama News Network

Wasiirkii Hore Arrimaha Dibadda Iran Ayaa Sheegay In Cunaqabteynta Mareykanka Ay Keentay Shilka Madaxweyne Ra’iisi

Wakaaladda Wararka Iran IRNA oo soo xiganeysa wasiirkii hore arrimaha dibadda Iran Maxamed Javed Zarif ayaa sheegtay in Mareykanka uu yahay sababta keentay in ay shahiidaan madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo dadkii la socday.

Wasiirka ayaa sababta ku sheegay in ay ka timid xayirdda la saaray Iran ee ah in aan laga iibin diyaarado.

Zarif waxa uu intaas ku daray in dadka reer Iran ay soo wajaheen duruufo adag 45-tii sano ee la soo dhaafay. Waxaana ka mid ah duruufahaasi sida uu sheegay wasiirka cunaqabteynta adag ee saaran Iran.

Zarif wuxuu ku tilmaamay mid ka mid ah sababaha keenay shilka in ay tahay mamnuucidda Mareykanka ee ah in aan Iran laga iibin diyaarado taasna ay tahay sababta geerida madaxweyne Raisi. Wuxuu sheegay in dambiyada Mareykanka ay gali doonaan diwaanka maskaxda dadka Iran iyo taariikhda dalkooda.

Related posts

Jidka laydhka ku shaqeeya ee isku xidha Jabuuti iyo Itoobiya oo war ka soo kordhay

Abdiaziz Bnnstaff

Maxkamadda ICJ oo maanta billaabeysa dhageysiga dacwad ka dhan ah Israa’iil

Abdiaziz Bnnstaff

Dila Iyo Quljeed Jegaan Bay Noqon Doonaan Cirona Quljeed Ayaan Ku Casuumayaa” Boqor Buur Quljeed

Abdiaziz Bnnstaff