Borama News Network

Maxkamadda ICJ oo maanta billaabeysa dhageysiga dacwad ka dhan ah Israa’iil

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee loo soo gaabiyo ICJ ay billowdo, dhageysiga dacwad ka dhan ah Isra’il kaas oo ay maxkamadda geysay dowladda South Africa.

Koofur Africa ayaa ku eedeysay Isra’il, in ay Gaza ka geysatay danbiyo dagaal oo ka dhan ah Falastiiniyiinta ku nool Gaza isla markaana ay jebisay heshiiskii caalamiga ahaa ee xasuuqa ee sannadki 1948-dii.

South Africa ayaa sidoo kale ugu baaqday garsoorayaasha in ay Israa’iil ku amraan, in ay si deg deg ah u joojiso howlgallada millatari ee Gaza. Dhammaan eedaha ay South Africa soo jeedisay ayaa waxaa beenisay Isra’iil, iyada oo sheegtay in ay koox qareenno ah oo iyada matalaya ay u dirtay, xarunta Maxkamadda ICJ ee magaalada Hague ee dalka Holland.

Afhayeenka Dowladda Israaiil Eylon Levy ayaa Arbacadi sheegay, in Israa’iil ay maanta kasoo hor muuqa doonto Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, si ay isaga difaacdo buu yiri aflagaaddo dhiig leh oo uga timid South Africa.

Dacwaddaan oo la filayo in qaadato muddo sannado ah, ayaa qeybteeda hore socon doonta maanta iyo berri, waxaana lagu furi doonaa dhageysiga eedaha ay soo jeedisay South Africa.

Brazil iyo Colombiya ayaa goor danbe oo Arbacadi shalay ah taageeray kiiska dacwadda ka dhanka ah Israa’iil.

Related posts

Wadamada Galbeedka Afrika ee Benin, Liberia iyo Sierra Leone oo bilaabay tallaalka cudurka duumada

Abdiaziz Bnnstaff

Waxan Rajaynayaa In Aynu Si Nabada Oo Bila Buqa Ku Gali Doono Dorashooyinka” Madaxwayne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Doorashooyinka

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliland Oo Sheegtay In Ay Isku Dhici Gaadheen Labo Diyaaradood

Abdiaziz Bnnstaff