Borama News Network

Dowlada Somaliya Oo War Ka Soo Saartay Diyaarad Siday Ajaaniib Oo Ku Dhacday Deegaan Ay Kacanta Ku Hayaan Alshabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay diyaarad siday shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay, taas oo ku dhacday deegaan ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya kaas oo lagu faafiyey warbaahinta dowladda ataa lagu yiri, “Diyaarad kuwa qumaatiga u kaca (helicopter) oo ay leedahay Qaramada Midoobay, loona adeegsado dhanka gurmadka degdegga ah oo caawineysay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhacdey goob ku taalla Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay ka taliyaan Al-Shabaab.”

Sidoo kale warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay “In diyaaradda ay la soo gudboonaatey cillad farsamo, kadibna ay halkaasi ku dhacdey,” wallow aysan dowladda xogo intaas ka dheer aysan bixin.

Waxaa diyaaradda saarnaa 8 shaqaale ah oo isugu jiray ajnabi iyo Soomaali. Iyadoo Ciidamada Qalabka Sida ay ku guda jiraan badbaadinta  shaqaalihii saarnaa diyaaradda, ayaa waxan idin idin la soo wadaagi doonnaa hadba waxa ku soo kordha dhacdadan, ayaa lagu soo gabagabeeyey warka ka soo baxay dowladda.

Galinkii dambe ee shalay ayaa diyaaradda oo ka soo kacday magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa ku sii jeeday magaalada Wisil ee gobolka Mudug balse waxa ay ku dhacday deegaan Xiindheere oo ka tirsan gobolka Galgaduud, oo masaafo yar u jirta halkii ay ka soo kacday diyaaradda.

Related posts

Maxkamada Sare Ee Maamulka Puntland Oo Dhaarisay Madaxwayne Dib Loo Doortay are Siciid Deni

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaa dib u dhigay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee maanta lagu ballansanaa?

Abdiaziz Bnnstaff

Shiinaha:- Maxkamad Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Lamaane Aroos Ahaa

Abdiaziz Bnnstaff