Borama News Network

Xasan Sheekh oo Xoghaya guud ee QM kala hadlay damaca dowladda Itoobiya ee Badda Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka ay ku wada xiriireen Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Xoghaya ayaa ka wada hadlay, “Xaaladda gobolka iyo xasillooni darrada ay abuurayso damaca iyo xadgudubka Itoobiya ee ka dhan ah madaxbannaanida iyo gobanimada Soomaaliya,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sii yiri, “Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la weadaagay aragtida iyo siyaasada dowlada federal Soomaaliya oo ku dhisan daris-wanaag, iskaashi iyo is-ixtiraam, taas oo ay barbar socoto in dadka iyo dowladda Soomaaliya aysan aqbalayn in lagu soo xadgudbo midnimadooda iyo dowladnimadooda.”

Wadahadalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay waddo kulamo iyo wadahadallo lagu cambaareenayo damaca dowladda Itoobiya ee Badda Cas.

Related posts

Sida Facebook Iyo TikTok Khatar u Gelin Karaan Soonkaaga, Iyo Waxyaabaha Ay Tahay In Aad Ka Fogaatid

Abdiaziz Bnnstaff

Xeerkii Muranka Doorashoohinka Dhaliyay Oo La An Sixiyaya

Abdiaziz Bnnstaff

Qoraagii Buuga Mayal Abwaab Abdiraxmaan Abees Oo Maanta Hargeysa Lagu Xidhay

Abdiaziz Bnnstaff