Borama News Network

Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliya Oo Sheegay In Ayna Siiwadaynin Tartanka Maamul Goboleedyada

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa soo jeediyay in ay muhiim tahay in tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir uu sii socon inta laga helaayo habka mas’uuliyadda tartanka.

Warsaxaafadeed uu soo saaray xiriirka waxa ay ku cambaareeyay falkii lagula kacay baskii ciyaartoyda xulka kubbadda cagta koonfur galbeed, waxayna ku tilmaameen in uu ahaa mid ka horjeeda xeerka maamulka ciyaaraha.

Warsaxaafadeedka waxaa kalo lagu sheegay in ay muhiim tahay in la helo mas’uuiyad wadareed lagu maamul ciyaaraha.

Ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir waxaa qaban qaabiyay wasaaradda ciyaaraha siyaasad ahaan halka farsamada ay lahaayeen xirirka kubada cagta Soomaaliyeed.

Related posts

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya shilkii diyaaradeed ee Koonfurta Kuuriya iyo baaritaan socda Koonfurta Kuuriya

Abdiaziz Bnnstaff

Xuutiyiinta Yemen oo markab kale ku weeraray xeebaha u dhow Soomaaliya iyo falcelin adag oo ay la kulmeen

Abdiaziz Bnnstaff

Murashax Ciro Waxa Uu Balan Qaaday In Uu 100 ka Cisho Ee Ugu Horeeya Uu Dhiso Doona Wada Isku Xidha Borama Iyo Baki

Abdiaziz Bnnstaff