Borama News Network

Dowlada Ukraine ayaa sheegtay in ay soo riday diyaaradda A-50 ee wax basaasta

Militeriga Ukraine ayaa sheegay in labo diyaaradaha dagaalka Ruushka oo marayay badda Azov ay soo rideen.

Labada diyaaradood ee la soo riday noocoodu wuxuu kala ahaa diyaaradda wax basaasta ee A-50 iyo Ilyushin.

Ma jiran wax cadeynaya balse hadii la xaqiijiyo waxay noqoneysaa markii ugu horeysay ay Ukraine ku guuleysato in ay soo rido bartilmaameed muhiim ah. Falanqeeyeyaashu waxay ku sheegeen in ay dhaawac weyn ku tahay awoodda hawada ee xukuumadda Moscow

Ruushka ayaa haysta tiro yar oo ah diyaaradaha A-50 kuwaas oo leh radaar awood badan. Inta badan waxay ku duuleen meelo aysan gaari karin difaaca Ukraine.

Wararka qaar waxay sheegayaan in diyaaradda Ilyushin ay dib ugu noqotay Ruushka. BBC uma aysan suurtogelin in ay xaqiijiso weerarka.

Saraakiisha Ruushka ayaa sheegay in aysan wax warbixin ah ka heyn weerarrada. Dhinaca Ukraine, taliyaha ciidamada cirka, Mykola Oleshchuk oo ka hadlay soo rididda diyaaradda wax faahfaahin ah ma uusan ka bixin.

Related posts

Prof Cabdi Ismaciil Samatar Oo Ka Hadlay Damaca Bada Ee Abiy Ahmed Iyo Arimaha Dastuurka Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Ku Baaqay In Si Wada Jir Ah Loo Difaaco Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Gaadhay Dalka Talyaniga Oo Ay Ku Kulmayaan Abiy Ahmed

Abdiaziz Bnnstaff