Borama News Network

Xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa Xisbullaah & Israaiil oo dhalisay cabsida dagaal cusub

Weerar dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay garoon lagu cayaaro oo ku yaalla buuraha Golan ee ay Israa’iil haysato ayaa sii kordhisay cabsida laga qabo dagaal cusub oo qarxa.

Israa’iil ayaa sheegtay in kooxda Xisbullah ee fadhigeedu yahay dalka Lubnaan ay ka dambeysay weerarka, inkastoo kooxdaasi ay beenisay.

Maxaa ka dhashay weerarkii Buuraha Golan Heights?

Fiidnimadii Sabtida 27-kii Luulyo, qarax ayaa ka dhacay goob lagu ciyaaro oo ku taal magaalada Majdal Shams, halkaas oo ay ku dhinteen 12 carruur ah iyo dhallinyaro ka tirsan qowmiyadda laga tirade badanyahay ee Druze.

Waxay ahayd dhacdadii ugu dhimashada badneyd ee ka dhacda agagaaraha xadka Israel ay la wadaagto Lubnaan tan iyo markii ay kordheen colaadaha u dhaxeysa Israel iyo Xisbullah bishii October.

Dhacdada, ayaa caro iyo naxdin ku abuurtay Israa’iil iyo adduunka oo dhan.

Israa’iil ayaa sheegtay in ururka Xisbullah ay weerarka ku qaadeen gantaal ay Iran samaysay, kaas oo laga soo riday meel wax yar u jirta dalka Lubnaan. Maraykanku waxa kale oo uu sheegay in Xisbullah ay eedda lahayd.

Xisbullah ayaa si adag u beenisay inay ku lug leedahay.

Maxaan ka ognahay Xisbullah?

Xisbullah waa dhaqdhaqaaq aad u hubaysan iyo dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo saldhigeedu yahay Lubnaan islamarkaana deris la ah Israel.

Garabkooda Millatari ayaa ah mid kamid ah ciidamada ugu awooda badan gobolka, waxaana lagu qalabeeyaa ilaa 200,000 oo gantaalo iyo hub kale, sidoo kale waxa ay weeraraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Waxay u gaar tahay ciidanka Lubnaan, aad bayna uga xoog badan tahay.

Xisbullah ayaa sidoo kale saameyn siyaasadeed ku leh dowladda Lubnaan.

Dhaqdhaqaaqa waxa uu raacaa faraca Shiicada, waxaana maalgeliya, qalabeeya oo tababara Iran, oo ah awoodda Shiicada ee Bariga Dhexe.

Xisbullah iyo taageerayaasheeda waxay u arkaan dhaqdhaqaaq iska caabin ah oo sharci ah oo ka dhan ah Israa’iil, oo ay ku andacoonayso inay weli haysato qayb ka mid ah dhulka Lubnaan. Xisbullah ayaa si weyn u taageerta Xamaas iyo Falastiiniyiinta, waxayna diiddan tahay aqoonsiga Israa’iil.

Dhaqdhaqaaqa waxaa looga aqoonsanyahay urur argagixiso ahaan dalalka reer galbeedka, Israa’iil, dalalka Khaliijka Carabta iyo Jaamacadda Carabta.

Waa maxay Buuraha Golan Heights maxayse Israa’iil halkaas u joogtaa?

Buuraha Golan waa dhul dhagax ah oo ku yaal koonfur-galbeed ee Suuriya, kuna sii fidsan waqooyi-bari ee Israel.

Dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967, Israa’iil waxay qabsatay ilaa 1,200 km² ee buuraha Golan, oo ay Suuriya ka soo weerartay.

Israa’iil ayaa aaggaas la wareegtay 1981-dii, tallaabadaas oo aysan aqoonsanin inta badan beesha caalamka. Maamulka Trump ayaa jebiyay tobanaan sano oo siyaasad Mareykan ah isagoo aqoonsaday madaxbanaanida Israel ee buuraha Golan ee la haysto sanadkii 2019.

Suuriya ayaa sheegtay in dhulkaasi ay weligeed lahaan jirtay, waxayna wacad ku martay inay dib u soo ceshan doonto, halka Israa’iil ay sheegtay in ay muhiim u tahay difaaceeda, ayna weligeed gacanteeda ku jiri doonto.

Ilaa 20,000 oo Israa’iiliyiin ah ayaa ku nool Buuraha Golan Heights, oo sidoo kale hoy u ah saldhigyada ciidamada Israa’iil iyo saldhigyada kale.

Waa ayo Druze?

Qowmiyadda Druze waa qoomiyad ku hadasha luqadda Carabiga oo inta badan ku nool Lubnaan, Israa’iil, Urdun iyo Suuriya. Qayb bulshadaas ka mid ah ayaa qarniyo badan ku noolaa buuraha Golan.

Kuwii Buuraha Golan joogay waxay ka soo ambabaxeen Suuriya oo ay Israa’iil xukumaysay June 1967, markaas oo Israa’iil ay qabsatay inteeda badan.

Israa’iil waxay siisay dhalasho dhammaan dadka deggan Buuraha Golan Height, in kasta oo qaar badan ay doorteen inay sii wataan muwaadin-nimadooda Suuriya.

Qiyaastii 20% Druze ee maanta halkaas ku nool waxay aqbaleen ama dhaxleen dhalashada Israa’iil. Kuwa haysta dhalashada Suuriya waxay sidoo kale haystaan sharciga degenaanshaha Israel, iyagoo leh inta badan xuquuqaha ay leeyihiin muwaadiniinta Israel marka laga reebo xaqa ay u leeyihiin inay codeeyaan.

Marka laga soo tago Buuraha Golan ee la haysto, waxaa jira ilaa 110,000 Druze kuwaas oo haysta dhalashada Israa’iil. Waa bulshada ugu badan ee aan Yuhuudda ahayn ee ka shaqeeya Ciidanka Difaaca Israa’iil (IDF), taas oo qayb ka ah shaqada qaranka ee qasabka ah ee dalka.

Waxaa jira ilaa hal milyan oo Druze adduunka ah, in kasta oo qiyaasuhu ay kala duwan yihiin. Caqiidadoodu waa farac ka mid ah laanta Shiicada, laakiin diintoodu waa diin gaar ah oo leh dhaqamo iyo caqiidooyin u gaar ah.

Maxay tahay sababta ay Xisbullah u soo weerari karto Buuraha Golan Heights?

Xisbullah ayaa rasaas ku ridday bartilmaameedyada Israel maalin kadib markii Xamaas ay weerar ku qaadeen Israel 7-dii October. Xisbullah ayaa sheegtay in ay u dhaqmayso si ay u garab istaagto Falastiiniyiinta.

Tan iyo markaas, labada dhinac ayaa si joogta ah isweydaarsanayay rasaas, taasoo keentay in kumannaan qof oo ku nool Lubnaan iyo Israa’iil ay ka baxaan guryahooda.

Saraakiisha ammaanka Israa’iil ayaa sheegay in gantaalka ay ku dhinteen dhalinyaradan uu qeyb ka ahaa duqeymo dhowr ah oo lagu garaacay buuraha Golan ee la heysto. Taasi waxay daba socotay weerar ay Israa’iil ku dishay afar ka mid ah dagaalyahannada Xisbullah ee koonfurta Lubnaan.

Inta badan weerarada Xisbullah tan iyo 8-dii October waxa ay ku dhufteen waqooyiga Israa’iil, iyada oo ay yaraadeen weeraro ay ka geystaan buuraha Golan Heights. Si kastaba ha ahaatee, waxay si isdaba joog ah u beegsatay fariisimaha millatariga Israa’iil ee qayb ka mid ah buuraha Golan Heights oo lagu magacaabo Shebaa Farms/Mount Dov, oo dhawr mayl u jirta Majdal Shams.

Isha: BBC SOMALI

Related posts

Nigeria: Ugu yaraan 76 ruux oo lagu dilay weerar ka dhacay Gobolka Plateau.

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Kulan Deg Deg Ah Iskugu Yeedhay Laamaha Amaanka Ka Dib Qaraxii Xalay

Abdiaziz Bnnstaff

Dawlada Somalia “ Damaca itoobiya inay Qabsato Goobta Ugu Mihiimsan Badeena Ee Baabul Mandab….

Abdiaziz Bnnstaff