Borama News Network

Xuutiyiinta oo shaaciyay inay gantaalo ku weerareen garoon diyaaradeed oo ku yaala Israa’iil

Yahya Saree, oo ah afhayeenka milatariga ee kooxda Xuutiyiinta Ansar Allah, ayaa war uu taleefishinka ka sii daayay subaxnimadii Talaadada ku Dsheegay, in garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion ee Israa’iil lagugaraacay laba gantaal oo ballistic ah, kuwaas oo kala ah, Zulfiqar iyo Falastiin 2, sida uu ku sheegay hadalka uu jeediyay.

Garoonka caalamiga ah ee Ben Gurion ee Israa’iil, waxaa uu ku yaalaa duleedka magaalada Tel Aviv ee Israa’iil.

Saree waxa kale oo uu bayaankiisa ku sheegay, in ciidamada Xuutiyiintu ay markii labaad muddo 24 saacadood gudahood ah weerareen markabka Maraykanka ee USS Harry Truman iyo tiro maraakiib ah oo marayey badda cas.

Related posts

Baarlamaanka Azerbaijan oo ansixiyay heshiis difaac ah oo ay la saxiixdeen Soomaaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Maraykanka Oo Balaayiin Doollar Ka Faa’iiday Dagaalka Ka Socda Bariga Dhexe

Abdiaziz Bnnstaff

Aqalka Cad ee Maraykanka oo sheegay in uu is hor istaagay weerarkii Israaiil ay la damacsanayd Rafax

Abdiaziz Bnnstaff