Borama News Network

150 Qof Oo Ku Dhimatay Daadad Iyo Dhul Go’ Ka Dhacay Dhacay Dalka Tansaaniya

Ugu yaraan 155 qof ayaa ku dhimatay daadad iyo dhul go’ ka dhacay Tanzania kadib roobab mahiigaan ah oo ka dhashay El Niño, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Tanzania.

Kassim Majaliwa ayaa ka digay in roobabku ay sii socon doonaan illaa bisha May, wuxuuna ku boorriyay qoysaska inay ka baxaan meelaha ay fatahaaduhu saameeyeen.

Ku dhawaad​​ 200,000 oo qof iyo in ka badan 51,000 oo qoys ayey durba saameysay masiibadan, ayuu raaciyay hadalkiisa.

Roobab mahiigaan ah ayaa sidoo kale ka da’ay dalalka dariska ah ee Kenya iyo Burundi, kuwaas oo dhibaato bani’aadannimo ka geystay gobolka.

Related posts

Waftigii Somaliland Ka Socday Oo U Talaabay Dhinaca Dalka Itoobiya Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Abdiaziz Bnnstaff

Maxay yihiin dukumiintiyada sirta ah ee dowladda Ingiriiska hadda shaacisy ee ku saabsan Xisbullah iyo Bariga Dhexe?

Abdiaziz Bnnstaff

Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ayaa Maanta Kulan La Qaatay Guddida Ilaalinta Anshaxa

Abdiaziz Bnnstaff