Borama News Network

6-Dal Oo Afrikaan Ah Oo Qarka u Saaran Internet la’aan Iyo Sababta Oo La Shaaciyay

Waxaa sii kordhaya Internet la’aanta haysata waddamo dhaca Qaaradda Afrika iyada oo aanay ilaa haatan la ogaan ama la shaacin sababta ka dambaysa in xawaaraha khadka Dalalkaas uu aad ugu hoos dhaco heerkii uu joogay.

Dad badan ayaa ka cabanaya khad la’aan xooggan halka qaarka haysta uu awood u ahaan aad ugu liito waana tan keentay in shirkadaha qaar ee bixiya adeeggaan ay ka gaabsadeen in ay la hadlaan rukunkooda si ay faah-faahin u siiyaan.

Shirkadda Kaydisa Xogaha la xiriira Isgaarsiinta Internetka ee la dhaho Cloudflare Radar waxa ay arrintaan ku sifaysay cillad ku timid isku xirka waqooyiga ilaa Koofurta Qaaradda Afrika loona baahan yahay in xal degdeg ah loo helo.

Dalalka la shaaciyay ee dhibaatadaan haysato waa 6 Dal oo kala dhaca Koofurta iyo Galbeedka Qaaradda Afrika kuwaas oo haatan Dadkoodu ay caddeeyeen cilladdaas haysata ee aanay ilaa hadda waxba laga qaban.

Waddamadaan waxaa kamid ah: 1-Koofur Afrika, 2-Nigeria, 3-Ivory Coast, 4-Liberia, 5-Ghana & 6-Burkina Faso, Madaxda Dowladahaan ayaa ka aamusan oo ma jiro mas’uul ka hadlay culayskaan internetka ee saamaynta taban Bulshada ku reebay.

Khubarrada Qaar ee Internetka ayaa sheegay in ay soo xiganayaan Warbixin dhowaan ay Kooxda Xuutiga Yemen ay shaacisay oo ah in ay jarayn qaybo kamid ah Xargaha qaada Inernetka ee Badda Gunteeda Mara.

Related posts

“Somaliya waxa u hadhay uun inay awood Ciidan inoo adeegsato…” Siyaasi Cali Qoryoolay Oo Ka Hadlay Arimo Xasaasiya

Abdiaziz Bnnstaff

Khilaaf Xoogan Oo Ka Dhex Qarxay Sadex Haayadood Oo Ka Tirsan Xukuumada Madawayne Muuse Biixi

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiir Xagaa ”sanadkaan 2024 waa sanadkii aan la wareegi lahayn amniga guud ee dalka”.

Abdiaziz Bnnstaff