Mike Huckabee, safiirka Maraykanka u fadhiya Israa’iil, ayaa sheegay in muwaadiniin Maraykan ah oo ku nool deegaanka la dejiyay ee Termeziya ay kulan ay golaha deegaanka yeesheen ugu sheegeen sheekooyin ku saabsan guryo la burburiyay, hanjabaado loo jeediyay carruurta, iyo rabshado iyo cabsi-gelin.
Deegaankan ayaa ku yaalla Ramallah ee Daanta Galbeed, waxaana ku nool tiro badan oo Maraykan ah.
“Waxaan aaminsanahay in Israa’iiliyiinta ku nool Judea/Samaria (oo ah magaca ay Israa’iil u isticmaasho Daanta Galbeed ee la haysto) ay xaq u leeyihiin inay halkaas ku noolaadaan, waana taageersanahay arrintaas, balse qof kasta oo Bible-ka aaminsan ma taageero sharci-darro,” ayuu Mr Huckabee ku qoray qoraal uu soo dhigay barta bulshada ee X.
Degsiimooyinka Israa’iiliyiinta ee ku yaalla Daanta Galbeed ee la haysto waxaa loo arkaa kuwo sharciga caalamiga ah ka baxsan.
