Madaxda Wasaaradda Amniga Somaliya Oo Su’aalo Laga Weydiiyay Amaanka Doorashooyinka

Guddiga arrimaha gudaha, amniga iyo maamulada Gobolada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa waxay kula kulmeen Masuuliyiinta Wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya.

Masuuliyiinta ay guddiga la kulmeen waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha Xasan Xundubeey Jimcaale, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Farxaan Cali Axmed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda amniga.
Guddiga iyo Wasaaradda amniga ayaa waxay ka wada hadleen xaalada amni ee dalka, u diyaar garowga sugidda amniga doorashooyinka, xoojinta wada shaqeynta labada dhinac iyo qodobo kale.

Xubnaha guddiga ayaa su’aalo ku saabsan amniga guud ee dalka weydiiyay wasiirka amniga iyo masuuliyiintii la socotay ee Wasaaradda amniga.

Guddoomiyaha Guddiga arrimaha gudaha, amniga iyo maamulada gobolada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax Geeseey ayaa xubnaha Wasaaradda kaga mahad celiyay sida wanaagsan oo y guddiga ugu warbixiyeen iyo su’aalaha shaqada ku saabsan oo ay ka jawaabeen.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Jeo Biden Oo Falaadhii Ugu Horay Ku Soo Ganay Turkiga Iyo Xukuumada Turkiga Oo Ka Sii Diyaar Galawday

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo Saxeexday Heshiis Talaal Kale Lagu Keenayo Dalka

Bnnstaff Bnnstaff

Faysal Cali Waraabe Oo Ka Haday Geerida Raysal Wasaarihii Hore Ee Somaliya Cumar Carte Qaalib

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More