boramanews.com

Madaxweynaha Shiinaha oo sameeyey isbarbardhig la yaableh isagoo dhinac taagan Trump

Xi Jinping ayaa isbarbardhig ku sameeyay isbeddelka weyn ee ay magaalada Shenzhen, oo ku taalla koonfurta Shiinaha, isla markaana martigelinaysa shirka APEC, iyo xiriirka Maraykanka iyo Shiinaha.

“Wax ka yar 40 sano gudahood, tuulo yar oo kalluumaysi ayaa isu beddeshay magaalo weyn oo caalami ah,” ayuu Xi u sheegay Trump.

Waxa uu sheegay in isbeddelkaas ay suurageliyeen dhiirranaanta ah “in la sameeyo waxyaabo cusub, tijaabooyin la sameeyo, isla markaana hormuud laga noqdo horumarka”.

“Arrintaas waxaa dabcan qayb ka ah in dadaal iyo shaqo adag la bixiyo,” ayuu raaciyay.

Xi ayaa intaa ku daray in dhisidda “xiriir wax-ku-ool ah oo dhex mara Shiinaha iyo Maraykanka” ay sidoo kale tahay hawl cusub oo hormuudnimo u baahan, isla markaana aan hore loo soo marin.

“Waxay sidoo kale nooga baahan tahay inaan ku dhiirranno inaan wax cusub bilowno oo tijaabino, inaan si dhab ah ugu taagnaanno xaqiiqooyinka, isla markaana aan shaqadeenna ku dhammaystirno guul,” ayuu yiri.

Guusha magaalada Shenzhen, oo ah xarunta tiknoolajiyadda Shiinaha, ayaa shalay ammaan kala kulantay Xi, xilli uu khudbad u jeedinayay hoggaamiyeyaasha ganacsiga iyo siyaasadda ee dunida.

Related posts

Xiisadda Itoobiya iyo Eritrea oo cirka isku shareertay. | Falanqeyn

Cabdi Casiis

Muxuu yahay walaaca Ukraine iyo Yurub ka muujinayan shirka Trump, Putin iyo Xi?

Cabdi Casiis

Ciidamada Turkiga Ee Ku Sugan Somaliya Oo Dagaal Adag Shabeelaha Dhexe Kula Galay As

Cabdi Casiis