Dalal badan iyo ururo caalami ah ayaa si cad uga hoos horjeestay aqoonsiga Israa’iil u aqoonstay Somaliland “dal madax-bannaan”, iyagoo ku adkeysanaya in Somaliland ay weli tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dhammaadkii todobaadkii hore ayey ahayd markiii Ra’iisul wasaraaha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Madaxweynaha Somaliland Maxamed Cabdiraxmaan Cirro ay yeesheen kulan qadka online-ka, kaas oo Netanyahu uu ku sheegay in Somaaliland ay ka mid noqoneyso saaxiibadooda diblomaasiyeed.
Waddamada Afrikaanka ah
Dalalka Jabuuti, Eratariya, Masar, Sudan, Liibiya iyo Naajeeriya, Aljeeriya, Kaamoroos, Gaambiya, ayaa dhammaantood si aan ka leexleexasho lahayn ugu gacan sayray mowqifka iyo tallaabada ay Israa’iil ku dhaqaaqday. Wasiiradda arrimaha dibadda ee dalalka Masar, Jabuuti,iyo Soomaaliya ayaa wadahadal dhanka taleefoonka yeeshay sida lagu yiri qoraal la soo dhigay barta wasaaradda arrimaha dibadda Masar.
Qaar kamid ah waddamadan ayaa aaminsan in ay arrintaan ay tahay faragelin toos oo ay Israa’iil ku sameeneyso xasilloonida gobolka.
Dawladda Soomaaliya ayaa lafteeda si adag uga hor timid aqoonsiga ay Israa’iil aqoonsatay. Warsaxaafadeed laga soo saaray kulan degdeg ah oo uu yeeshay golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in “midnimada iyo madax banaanida dhuleed” aan gorgortan laga geli karin.
Xukuumadda federaalka ee Soomaaliya waxay “si cad oo aan leexleexad lahayn ugu gacan sayraysaa weerarka ulakaca ah ee lagu soo qaaday madax-banaanideeda iyo talaabada sharci darrada ah ee Israa’iil ay si la soo dhoodhoobay ugu aqoonsanayso gobolka waqooyi ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Bariga Dhexe/Aasiya
Dhan kale, waddamada Carabta iyo kuwa Islaamka intooda badan, oo ay ku jiraan Sacuudi Carabiya, Yaman, Jordan, Qatar, Maldives, Kuwait, Urdun, Ciraaq, Indoniisiya, Bakistaan iyo maamulka Falastiiniyiinta, ayaa taageeray mowqifka Soomaaliya. Wadamadani waxay ku doodaan in aqoonsiga Somaliland uu yahay mid jabinaya mabda’a Qaramada Midoobay ee ilaalinta xuduudaha dalalka Afrika sida ay ahaayeen xilligii gobannimada, isla markaana uu abuuri karo xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhalata gobolka Geeska Afrika.
Wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Sacuudiga ayaa sheegtay in ay cabireyso “taageeradeeda buuxda ee madaxbanaanida dhuleed iyo midnimada Soomaaliya”, iyadoo dhanka kale sheegtay in boqortooyada ka soo horjeeddo go’aankii ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland.
