Borama News Network

Hoobiye Ku Dhacay Degmada Boondheere Oo Sababay Dhimashada Haweenay.

Hoobiye ku dhacay Degmada Boordheere ee Gobolka Banadir gaar ahaan waaxda Sheekh Yuusuf Al-Kownayn ayaa sababay dhimashada Haweenay ku sugnayd Gurigeeda sida ay xaqiijiyeen xubno katirsan ehelka Marxuumadda.

Aroornimadii hore ee Saakay ayaa la maqlay jugta qaraxaan Hoobiyaha ah ee kusoo dhacay Guriga ay ku geeriyootay Marxuumadda gaar ahaan qolkeeda oo xiligaas ay keligeed ku sugnayd sida ay sheegeen ehelkeeda.

Burbur xooggan ayaa soo gaaray qofka ay joogtay Marxuumadda, qaar kamid ah Dadka deegaanka ayaa dalbaday in baaris lagu sameeyo si uu uga yaraado welwelka ay ka muujinayaan suuragalnimada Hoobiye kale oo halkaas ku dhici kara.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka oo qaarkood goobta gaaray isla markaana sameeyay baaris hordhac ah weli faah-faahin kama bixin, waxaana lagu wadaa in ay warbixin kasoo saaraan arrintaan.

Magaalada Muqdisho ugub kuma ahan Hoobiye ku dhacay Guryo ay degen yihiin Dad rayid ah oo sababay dhimasho & dhaawac balse muddooyinkii dambe kiisaskaas ma dhicin waxaana loo sababeeyay isbaddelka Amniga Caasimadda.

 

Related posts

Ciidanka Booliska Somaliland Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Nin Xalay Dil Ka Gaystay Hargeysa

Xamar Iyo Turki Midna Ma Iman Karo Badeena” Xildhibaan Guruuje

Abdiaziz Bnnstaff

Wiil Yar Oo 7 Jir Ah Oo Aano Qabiil Loogu Dilay Degmada Wala-Wayn Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxayaa Dilkaasi

Abdiaziz Bnnstaff