Borama News Network

Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Maanta Fadhi Gaar Ah Ka Yeelanaya Howlgalka Cusub Ee Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta fadhi gaar ah ka leh Howlgalka cusub ee Soomaaliya AUSSOM kaas oo baddelaya kan ATMIS oo waqti ahaan ku siman 31ka Bishaan, Wakiillo kala duwan ayaa shirka kasoo muuqan doonta.
Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa shirka dhexgeynaya ajandaha Dowladda Federaalka ee la xiriira wax ka baddelka Howlgalka Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, guulaha laga gaaray wareejinta goobihii ay isaga baxeen iyo kuwo kale.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa fadhiga la tageysa in Ciidanka badan ee ATMIS ku jira lasoo goobo isla markaana laga dhigo kuwa guurguura oo la howlgalla Ciidamada Soomaalida ah ee u xarbinaya in guud ahaan Amniga Dalka la wareegaan.
Waxaa dhici doonna kulamo gaar gaar ah oo Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya la yeelan doonnaan Dalalka Ciidamada soo diray, kuwa taageera iyo xubnaha kale ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Related posts

Gollaha Wasiirada Soomaliya Oo Ansixiyay masuuliyiin cusub

Abdiaziz Bnnstaff

Daawo Qaabka Maanta Looga Ciiday Magaalada Borama

Abdiaziz Bnnstaff

Maydad Hor Leh Oo Maanta Markale Laga Helay Buurta Taangiga Ee Bariga Laascanood

Abdiaziz Bnnstaff