Shiinaha ayaa u sgeegay Mareykanka inuu diyaar u yahay inuu la dagaallamo “nooc kasta” oo dagaal ah ka dib markii uu ka soo horjeestay canshuuraha ganacsiga ee sii kordhaya ee madaxweyne Donald Trump.
Labada waddan ee ugu dhaqaalaha badan adduunka ayaa ku dhawaaday dagaal ganacsi ka dib markii Trump uu ku soo rogay canshuuro badan dhammaan badeecadaha Shiinaha. Shiinaha ayaa si degdeg ah uga aargoosatay isagoo 10-15% oo canshuura ku soo rogay badeecaha beeraha ee ugu yimaada Maraykanka.
“Haddii dagaalku yahay waxa Maraykanku doonayo, ha ahaado dagaal canshuureed, dagaal ganacsi ama nooc kasta oo dagaal ah, waxaan diyaar u nahay inaan dagaallano ilaa dhammaadka,” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta X, ee safaarada Shiinaha oo soo xiganaya bayaanka dowladda ee tallaadadii.
Waa qaar ka mid ah hadaladii ugu xoogganaa ee ilaa hadda ka soo baxa Shiinaha tan iyo markii uu Trump noqday madaxweynaha waxayna ku soo beegmaysaa iyadoo hoggaamiyayaal ay iskugu yimaadeen Beijing si ay uga qaybgalaan shirweynaha sanadlaha ah ee Golaha Shacabka Qaranka
Arbacadii, ra’iisul wasaaraha Shiinaha Li Qiang, ayaa ku dhawaaqay in Shiinuhu uu mar kale kor u qaadi doono kharashkiisa difaaca 7.2% sanadkan wuxuuna ka digay “isbeddellada aan la arkin qarniga ee si xawli ah uga socda adduunka oo dhan.” Kororkan ayaa la filayey wuxuuna la mid yahay tiradii lagu dhawaaqay sannadkii hore.
Hoggaamiyaasha ku sugan Beijing ayaa isku dayaya in ay fariin u diraan dadka ku nool Shiinaha in ay ku kalsoon yihiin in dhaqaalaha wadanku uu kori karo, xitaa haddii ay jirto khatarta dagaal ganacsi.
Shiinuhu waxay xiiseynayeen inay muujiyaan sawir ah inay yihiin dal xasiloon oo nabad ah, taasoo ka soo horjeedda Maraykanka, kaas oo Beijing ay ku eedeyneyso inuu ku lug leeyahay dagaalada ka aloosan Bariga Dhexe iyo Ukraine.
Shiinaha ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu rajeynayo inuu ka faa’iideysto ficillada Trump ee la xiriira xulafada Mareykanka sida Kanada iyo Mexico, kuwaas oo sidoo kale uu ku soo rogay canshuuro.
Khudbaddii Ra’iisul Wasaaraha ee Beijing Arbacada waxay xooga saartay in Shiinuhu uu sii wadi doono furfurnaantiisa iyo rajada uu ka qabo in la soo jiito maalgashi shisheeye oo badan.
Shiinuhu wuxuu xilii horebe xoojiyey in ay diyaar u yihiin inay aadaan dagaal Dhammaadka bishii October, Madaxweyne Xi ayaa ku baaqay in ciidamadu xoojiyaan diyaar-garowgooda dagaal, iyagoo sameynaya tababaro milatari agagaarka jasiiradda Taiwan ee gaarka isku maamusha. Laakiin waxaa jira farqi u dhexeeya diyaar-garowga milatari iyo diyaar u ahaanshaha in la galo dagaal.
Safaaradda Shiinaha ee Washington oo soo xiganaysa bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda oo ku qornaa Ingiriis maalmo ka hor, kaas oo sidoo kale Maraykanka ku eedeeyay inuu Shiinaha ku dhaliilayo soo galitaanka daroogada fentanyl.
“Arrinta fentanyl waa cudur-daar fudud oo lagu kordhinayo canshuuraha Mareykanka ee soo dejinta Shiinaha,”ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda.
“Caga-juglayntu nama cabsi galiso annaga, handadaadu nama saamayso annaga, cadaadiska iyo goodisku maha habka saxda ee lagula dhaqmayo Shiinaha” ayaa intaasi la raaciyey.
Xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha had iyo jeer waa mid ka mid ah kuwa ugu muranka badan adduunka.
Saraakiisha Beijing ayaa rajo ka qabay in xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha ee Trump uu ku bilowdo bilow wanaagsan ka dib markii uu ku casuumay Xi caleema saarkiisa. Trump ayaa sidoo kale sheegay in labada hogaamiye ay yeesheen “wicitaan telefoon oo weyn”maalmo yar ka hor inta uusan galin Aqalka Cad.
Warar kale ayaa sheegay in labada hogaamiye lagu waday inay yeesheen wadahadal telefoonka Bishan bishii tagtay. Taas oo an dhicin.
Shiinuhu waxa uu haystaa miisaaniyada milatari ee labaad ee ugu wayn aduunka taas oo dhan 245 bilyan oo dollar balse aad ayay uga yartahay tan Maraykanka. Beijing waxay ku bixisaa 1.6% GDP ciidankeeda, taasoo aad uga yar Maraykanak ama Russia, sida uu qabo Machadka Cilmi-baarista Nabadda ee Stockholm.
Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in Shiinaha uu hoos u dhigayo qadarka uu ku bixiyo difaaca.