Borama News Network

Maamulka Degmada Awdheegle oo faah-faahin ka bixiyay dagaalka ka dhacay Degmadaas

Guddoomiyaha Degmada Awdhiigle Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Liibaan Cabdulqaadir oo la hadlay Mustaqbal ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaal saakay ‘AS’ ay ku qaadday Degmadaas.

Liibaan ayaa sheegay in dagaalka uu xoogganaa isla markaana khasaara xooggan lagu gaarsiiyay ‘AS’ waxaana uu intaas ku daray in isaga iyo mas’uuliyiin kale ay bannaanka uga baxeen Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelah Hoose.

Ciidamada ammaanka ee Degmada jooga ayuu sheegay in ay difaac kala hortagaan xubnihii ‘AS’ ee duullaanka kusoo qaaday, waxa uu tilmaamay in ay kahortageen inay gudaha usoo galaan sida uu hadalka u dhigay.

“Khawaariijta ayaa weerar kusoo qaadday Degmada Awdheegle, ciidamada Geesiyaasha ah ayaa kahortagay oo khasaara xooggan gaarsiiyay, aniga waxa aan isaga baxay Magaalada oo dagaal culus ka socda” Ayuu Mustaqbal u sheegay Guddoomiyaha Awdheegle.

Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ka socda dhaqdhaqaaq ciidan oo Dowladda Federaalka & ‘AS’ ay ka wadaan Gobolkaas, Saraakiisha hoggaaminaya Ciidamada ayaa sheegay in ay xoojiyeen amniga goobaha ay gacanta ku hayaan.

Related posts

“Hubka La isku Qabsado Dawlada Ayaa La Wareegaysa Maxaabiista In Aynu Isdhaafsano Diyaar Baanu U Nahay” Madaxwayne Fardhiye

Abdiaziz Bnnstaff

Sadex Qof Oo Isku Qoys Ah Oo Ku Dhintay Weerar Hoobiyayaal Ah Oo Ay Alshabaab Ku Qaaday Magaalada Camaara Ee Gobolka Mudug

Abdiaziz Bnnstaff

Raysal Wasaare Abiy Ahmed Oo Qirtay In Uu Dhawr Jeer Uu Ku Fashilmay La Kulanka Madaxwane Xasan Sheekh

Abdiaziz Bnnstaff