Dowladda Kenya Oo Maxakamada ICJ Ka Dalbatay In Dib Loo Dhigo Dhagaysiga Kiiska Badda Ee Kala Dhexeeya Somalia

Dowladda Kenya ayaa dalbatay markii 4aad in dib loo dhigo arrinta kiiska badda ee kala dhexeeya Dowladda Soomaaliya, waxaana dalab arrintaasi ku aaddan ay u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ.

Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ oo gashay isbeddal dhanka hoggaanka ah ayay Dowladda Kenya waxaa ay u gudbisay dalab u muuqda in ay kaga faa’iideysanayso hoggaanka cusub, dalabkaasi oo ah in dib loo dhigo arrinta Kiiska badda ee kala dhexeeya Dowladda Soomaaliya, waxaana ay qoratay Kenya codsi gaar ah oo ay ku doonayso in danaheeda loo fududeeyo, balse waxaa la ogayn sida Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ay uga jawaabi doonto danaha gaarka ah ee ay wadato Kenya.
Arrinta ugu weyn ee Kenya u dalbatay in Kiiska dib loo dhigo ayaa ah, in Kenya ay ku andacoonayso in dhul dhanka Berriga ah uu ka maqan yahay, ayna doonayso in marka hore xal loo helo dhul ay sheegatay in uu ka maqan yahay, waxaa intaas ay ku dartay in dhulkaasi uu kaga Soomaaliya, taasi oo arrinta waji kale u yeelaysa, waxaana xusid mudan in Kenya ay haysato dhul Soomaaliyeed iyo dad Soomaaliyeed.

15ka Bisha March 2021 ayaa loo ballansanyahay arrinta Kiiska badda ee Kenya iyo Soomaaliya, waxaana jira isbeddel weyn oo lagu sameeyay hoggaanka Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, iyadoo hoggaankii Maxkamadda ee Soomaaliga ahaa lagu beddelay Haweeney Mareykan ah.

Soomaaliya ayaa ku jirta jahawereer Siyaasadeed iyo khilaafyo hareeyay Siyaasadda dalka, waxaana si weyn la isugu khilaafsan yahay arrimaha doorashooyinka, waxaana macquul ah in Kenya ay ka dhex aragto fursado muhiim u ah danaheeda gaarka ah, maaddama khilaaf uu ka dhexeeyo Madaxda Dowladda iyo qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale xusid mudan in Kenya horay loogu eedeeyay ku lug lahaanshaha dagaal dhawaan ka dhacay Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaalada Ka Dhex Taagan Xarunta Madaxtooyada Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Sheekh Aadan Suno Oo Ka Hadlay Xuska Askartii Ingiriiska iyo Kaniisa

Mustafehaji

Dagaal Ka Dhex Qarxay Taaliban Iyo Daacish Iyo Xubno Ka Tirsan Daacish Oo La Laayay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More