Borama News Network

Maxay tahay sababtaTrump uu eedeynta kulul ugu jeediyay madaxweynaha Ukraine Zelensky

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky inuu burburinayo wadahadallada nabadda, kaddib markii madaxweynaha Ukraine uu sheegay in Kyiv aysan aqoonsan doonin maamulka Ruushka ee gobolka Crimea.

Isaga oo adeegsanaya barihiisa bulshada ayaaTrump waxa uu ku andacoodey in heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka uu ahaa “mid aad u dhow”, laakiin diidmada Zelensky ee ah in uu aqbalo shuruudaha Maraykanka ay”sii dheerayn doonto” khilaafka.

Ukraine ayaa muddo dheer ku celcelinaysay in aysan ku wareejin doonin Crimea oo ah jasiirad ku taalla koonfurta dalkaas Ruushka, taasoo si sharci darro ah maamulka Putin uu kula wareegay sanadkii 2014-kii.

Mar sii horeysay, madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa sheegay in heshiis nabadeed uu la macno yahay in Ukraine iyo Ruushkuba “ay labaduba ka tanaasulaan qayb ka mid ah dhulka ay hadda haystaan.”

Maraykanku weli si cad uma shaacin heshiisyada juqraafiga ah ee la samayn doono.Mar ay saxafiyiinta Aqalka Cad weydiiyeen in maamulku uu doonayo in uu aqoonsado madax-banaanida Ruushka ee Crimea, Trump waxa uu sheegay in uu kaliya doonayo in uu arko dagaalka oo la joojiyo.a

Related posts

Qaar Ka Mid Ah Tukaamada Gacacsiga Ee Xaafada Islii Ee Magaalada Nairopi Oo Xidhan Iyo Sababta

Abdiaziz Bnnstaff

Guterres oo si kulul cambaareeyay weerarkii garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde

Abdiaziz Bnnstaff

Heer Kulka Dalka Cumaan Oo Gaadhay Halkii Ugu Saraysay Oo Ah 50 Digrii Iyo Digniino Loo Diray Bulshada

Abdiaziz Bnnstaff