Borama News Network

Maxkamada ICJ Oo Maanta Ku Dhawaaqaysa Go’aanka Dacwadda Ay u Gudbisay Koofur Afrika Ee Ka Dhanka Ah Israaiil.

Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee ICJ ayaa maanta ku dhawaaqaysa go’aanka ay ka gaartay dacwadda Koofur Afrika ay u gudbisay dhammaadkii sanadkii tagay 2023 oo ahaa in Ciidanka Israaiil ay xasuuq ka gaysteen Dhulka Falastiin.

ICJ ayaa horay u qabatay gal-dacweedka Koofur Afrika ay ku muujinayso Caddaynta ay hayso iyo waxyaabaha ay ku dhiirranayaan dacwad-oogayaasha metalaya si ay kiiska xasuuqa ah ugu gudbiyaan Maxkamaddaan hoostagta Qaramada Midoobay.

Xukuumadda Netanyahu ayaa wadnaha farta ku haysa go’aankaas & sida uu noqon karo maadaama si cad loo ogyahay dhibaatooyinka ay gaysteen ciidanka Israaiil, taasi waxa ay sii karkarisay waji gabaxa ay kala kulmi karaan qaraarka Maxkamadda.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa kulamo aan dhammaad lahayn qaadanayay Wasiiro katirsan Xukuumadda Netanyahu si ay uga shiraan go’aanka u furan haddii Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ICJ ay qirto dambiga lagu soo oogay.

Related posts

Xubin Ka Tirsan AS Oo isku Soo Dhiibay Ciidank Xoogga Dalka

Abdiaziz Bnnstaff

Waa kuwee dalalka Islaamka ee walaaca ka muujiyey weerarkii Iiraan ay ku qaadday Israa’iil?

Abdiaziz Bnnstaff

” Itoobiya Gudaheeda Ayaa Ku Kala Qaybsan Heshiishka Badda ” Cabdilaahi -dahab

Abdiaziz Bnnstaff