boramanews.com

Soomaaliya Ayaa La Wareegtay Hoggaanka Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u la wareegtay Hoggaanka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay bishan Janaayo 2026-ka. War ka soo baxay dawladda Soomaaliya oo lagu daabacay wakaaladda Wararka ee Sonnna ayaa lagu sheegay in tallaabadani ay tahay horumar calaamad u ah guul taariikhi ah oo ku saabsan soo kabashada diblomaasiyadeed ee dalka.

Qaadashada kaalintan hoggaamineed ee heer sare ah waxay muujinaysaa koror weyn oo ku yimid sumcadda Soomaaliya ee masraxyada caalamiga ah ayaa lagu yidhi bayaankaas.

Golaha Ammaanku waa mid ka mid ah lixda hay’adood ee ugu waaweyn Qaramada Midoobay, kuwaas oo ay ka mid yihiin Golaha Guud, Xoghaynta Guud, Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah, Golaha Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada iyo Golaha Wakiillada.

Related posts

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo baabi’isay waarankii soo qabashada ee madaxwaynaha Jubaland

Cabdi Casiis

Rasaas laga soo sheegayo meel u dhow madaxtooyada Venezuela

Cabdi Casiis

Maraykana oo ugu baaqay Shiinaha in uu joojiyo dhoollatuska millateri ee uu ku cadaadinayo Taiwan

Cabdi Casiis