boramanews.com

Maraykana oo ugu baaqay Shiinaha in uu joojiyo dhoollatuska millateri ee uu ku cadaadinayo Taiwan

Washington ayaa ugu baaqday Shiinaha in uu joojiyo cadaadiska uu saarayo Taiwan, kaddib markii Beijing ay laba maalmood dhallatusyo millatari oo ballaadhan ka samaynaysay deegaanno ku xeeran jasiiraddaasi.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in dhoollatusyadan millatari ay si aan loo baahnayn u kordhiyeen xiisadda ka jirta gobolka, waxayna ugu baaqday Shiinaha in uu beddelkeeda wada-hadal la galo.

Taiwan waa maamul iskiis isu maamula, balse Beijing ayaa ku andacoonaysa in uu iyada tirsan yahay.

Related posts

“Loo dulqaadan maayo cid kasta oo isku dayda in ay tafsiir qaladan…” Wasiirka arimaha Gudaha Somaliland

Cabdi Casiis

Ciidanka Dalka Sudan Oo Muddo 10 Bilood Ka Dib Gaadhay Guushii Ugu Waynayd

Cabdi Casiis

Diyaaradda Militariga Mareykanka Ay Leeyihiin Oo Dul Haadeysa Xeebaha Iran

Cabdi Casiis