Roobab Xoogan Oo Ka Da’ay Deegaanada Puntland

Roobab xooggan ayaa xalay ka da’ay qaybo ka mid ah maamul Goboleedka Puntland, waxaana lasoo sheegayaa in ay jiraan dad ay saameyn ku yeesheen Roobabkaasi.

Magaalooyinka waa weyn iyo degaanno ayay Roobab Lixaad leh ka da’een Xalay,waxaana Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool iyo degaanno hoos yimaado laga soo sheegayaan in ay xalay ka da’ay roob xooggan, iyadoo Magaalooyin ka tirsan Gobolka Sanaag ay roobsadeen.

Degaanada sidoo kale ay roobabku ka da’een waxaa ka mid ah: Widhwidh, Dhumay, Saaxdheer, Balihadhac, Kalabaydh, Dharkayn-geenyo iyo dhulka miyiga ah ee ku teedsan.

Maamulka Puntland ayaa waxaa horay uga da’ay Roobab Khasaare dhaliyay, iyadoo Gobolka Bari ay dhawaan uu ka da’ay Roob Biriq iyo dabeylo watay ayna ku dhinteen dad shacab ah.

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Maraykanka Oo Hub Cusub Oo Ka Iibanaya Tiawan Iyo Nuucyada Hubkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Macluumaadkii Ugu Dambeeyay Colaada Azerjibaan Iyo Arminiya

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Oramada Ee OFC Oo Ku Baaqay In Itoobiya Laga Dhiso Dowlada Ku Meel Gaadh Ah

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More