Borama News Network

Ciidamada Ukraine Oo Isaga Baxay Magaalo Muhiim Ah Oo Ay Isku Farasaareen Kuwa Ruushka.

Ciidamada Ukraine ayaa isaga baxay magaalada burbursan ee bariga ku taal ee Avdiivka, taliyaha cusub ee ciidamada Ukraine ayaa sheegay saacadihii hore ee Sabtida, taasoo u gogol xaadheysa horumarkii ugu weynaa ee Ruushka uu sameeyo tan iyo bishii May 2023 markii uu qabsaday magaalada Bakhmut.

Ka bixitaanka, ayaa lagu dhawaaqay iyadoo Ukraine ay soo food saartay rasaas yari ba’an halka gargaarka militariga Mareykanka uu dib u dhac ku yimid muddo bilo ah. Taageeradan ayaa looga golleeyahay in lagu badbaadiyo ciidamada in ay si buuxda u hareereeyaan ciidamada Ruushka ka dib bilo uu dagaal ba’an socday, Ukraine ayaa sidaa sheegtay.

General Oleksandr Syrskyi, oo hogaanka militariga Ukraine kula wareegay dib u habayn la sameeyay todobaadkii hore, ayaa sheegay in ciidamada Ukraine ay dib ugu laabteen fariisimo amni oo ka baxsan magaalada oo ay ku noolaayeen 32,000 oo qof ka hor dagaalka.

“Waxaan go’aansaday in aan cutubyadayada ka saarno magaalada oo aan u gudubno difaaca si aan u ilaalinno nolosha iyo caafimaadka ciidanka,” ayaa lagasoo xigtay bayaanka ciidamada oo uu soo saaray.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Iyo Waraysi Xiiso Badan Oo Uu Arimo Xasaasiya Kaga Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff

Diblamaasi Muddo 40 Sano Ah Basaasayay Dowlada Maraykanka Oo Lagu Xukumay Xabsi 15 Sano

Abdiaziz Bnnstaff

Hay’adaha Ammaanka Puntland oo Boosaaso ka baadi-goobaya Rag hubaysan oo Dilay Nin Ganacsade ah

Abdiaziz Bnnstaff