boramanews.com

Ciidamada Ilaalada Xadka oo lasoo dhoobay Minneapolis iyo dibadbaxyada oo weli socda

Saraakiisha Waaxda Arrimaha Ammaanka Gudaha Mareykanka ayaa u sheegay warbaahinta CBS News in ilaa 800 oo Ciidamada Ilaalada Xadka ah la geeyay aagga Minneapolis. Waxay dheeraad ku yihiin ilaa 2,000 oo ciidamada federaalka ee ICE oo hore usii joogay halkaas.

Muddooyinkii dambe ayaa walaac laga muujinayay ciidamadan faraha badan ee halkaas lasoo dhoobay, iyadoo lagu andacoonayay inay saameysay bulshada ku nool gobolka ayna absi gelisay.

Lama hubo saameynta ka dhalan karta ciidankan la geeyay gobolka Minnesota.

Dhanka kale, Maamulka Trump ayaa ka laabanaya Sharciga Ilaalinta Ku-meel-gaarka ah (TPS) ee ay heystaan ku dhowaad 2,500 oo muhaajiriin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo qarka u saaran inay waayaan sharcigooda iyo oggolaanshaha shaqada marka ay taariikhdu tahay 17-ka Maarso.

Tallaabadan ayaa timid bilo ka dib markii Mr. Trump uu muhaajiriinta Soomaalida ah ee ku nool Maraykanka ugu yeeray “khashin” uuna sheegay inuu rabo inay ka baxaan dalka. Maamulkiisa ayaa soo xigtay fadeexad musuqmaasuq oo baaxad leh oo lala xiriirinayo xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida si kumanaan wakiillo socdaalka federaalka ah loo geeyo aagga Minneapolis.

Maalmo ka dib markii 2,000 oo wakiilada federaalka ah ay ku qulquleen Minnesota, wakiilka ICE Jonathan Ross ayaa toogtay Renee Good, oo ahay muwaadin u dhalatay Maraykanka oo kaxaynaysay gaarigeeda. Inkasta oo Mr. Trump, Xoghayaha DHS Kristi Noem iyo saraakiil kale oo federaal ah ay isku dayeen inay Good ku tilmaamaan inay dooneysay inay waxyeelleyso wakiilka, falanqaynta khubarrada ee caddaymaha muuqaalka ah ayaa beenisay sheekadaas.

Maalintii Isniinta, gobolka Minnesota, oo ay weheliyaan magaalooyinka Minneapolis iyo St. Paul, ayaa ku dhawaaqay dacwad ka dhan ah Noem iyo saraakiil kale oo federaal ah si loo joojiyo qulqulka wakiillada ICE ee tagaya Minnesota.

Dacwaddu waxay ku doodaysaa in kororka ciidanku uu yahay xadgudub ka dhan ah Waxkabadelka 10-aad ee Dastuurka (10th Amendment), kaas oo dhigaya in “awoodaha uusan dastuurku u xilsaarin Maraykanka, kana mamnuucin gobollada, una deynin gobollada ama dadka.”

Related posts

” Xasan Sheekh iyo Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa qaadaya Masuuliyada dagaalka Baydhabo” Saadiq

Cabdi Casiis

Maamulka Puntland Oo Ciidamo U Diray Deegaanka Roox Ee Gobolka Mudug

Cabdi Casiis

Dowlada Iiraan Oo Ka Hadashay Maraakiib Shidaal Oo Gacanta Ay Ku Dhigtay

Cabdi Casiis