Borama News Network

Hindiya:- Arday Muslimiin Ah Oo Tukanayay Salaada Taraawiixda Oo Weerar Lagu Qaaday

Booliska dalka Hindiya ayaa xabsiga u taxaabay shan qof kadib markii arday lagu weeraray hoteel jaamacadeed oo ay ku tukanayeen salaadda taraawiixda.

Saraakiisha ayaa sheegay in muran xooggan oo ku saabsan goobta lagu tukanayay salaadda uu sababay weerar jireed oo ka dhacay jaamacadda Gujarat ee galbeedka Hindiya Sabtidii.

Ilaha booliska ayaa sheegay in shan arday ah laga daweynayo dhaawacyo kasoo gaaray weerarka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Hindiya ayaa sheegtay in xukuumadda Gujarat ay qaadayso “tallaabo adag” oo ka dhan ah dambiilayaasha.

GS Malik oo ah taliyaha booliska magaalada Ahmedabad ayaa saxaafada u sheegay in ku dhawaad labaatan qof ay galeen hotelka habeenkii sabtida ayna ka soo horjeesteen in ardayda ay ku tukadaan masjidka.

“Arrintaas ayey ku murmeen, gacan qaad iyo dhagax tuur ayaa dhacay, sidoo kale waxay burburiyeen qolalkii ay ku noolaayeen ardayda,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in la sameeyay koox soo baarta kiiska.

Sarkaal sare oo ka tirsan booliiska, Tarun Duggal, ayaa BBC-da Gujarati u sheegay in magacyada shanta nin ee la xiray ay kala yihiin Hitesh Mewada, Bharat Patel, Shitij Pandey, Jitendra Patel iyo Sunil Dudhirua. Ma aysan sheegin wax war ah oo ay si cad u qirteen intii ay ku jireen gacanta booliiska. Waxa uu intaa ku daray in laga yaabo in dad badan la xiro dhawaan.

Booliska ma aysan xaqiijin in ragga weerarka soo qaaday ay ku xiran yihiin ururo siyaasadeed ama kuwo diimeed.

Wariyeyaal ka tirsan BBC-da Gujarati oo goobta booqday Sabtidii ayaa sheegay in ay arkeen dhagxaan iyo gawaari jabay oo yaalay goobta. Muuqaalo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay koox kor u qaadaysa halku dhigyo diini ah oo Hinduuga ah oo weeraraya ardaydii, isla markaana burburiyay baabuur iyo dhagxaan.

Saddex ka mid ah ardaydii dhaawacantay ayaa laga saaray isbitaalka halka labo kalena ay xaaladoodu soo hagaageyso.

Navid Siddique oo ah arday u dhashay dalka Afgaanistaan oo weerarkaas ku dhaawacmay ayaa wargeyska Times of India u sheegay in isaga iyo arday kale ay tukanayeen Taraawiixda ee la tukado bisha Ramadaan, markaas oo ay usoo galeen ilaa saddex ruux kadibna ay bilaabeen in ay su’aalo weydiiyaan.

Muran baa ka dhashay, waxayna la soo noqdeen dad tiro badan oo ku hubeysan dhagxaan, iyo tuubooyin bir ah, way na soo weerareen, waxay weerar ku qaadeen hoteelka, iyagoo ardaydii qolkooda ku weeraray oo gudaha ugu galay, hanti iyo gaadiidna khasaare badan u geystay,” ayuu u sheegay wargeyska.

Noman, oo ah arday kale oo ka soo jeeda Afgaanistaan, ayaa u sheegay BBC Gujarati in shilalkan oo kale ay horay u dhaceen. “Halkan waxaa jirta khatar badan oo ku wajahan ardayda dalalka kale,” ayuu ka dhawaajiyay.

Booliska ayaa sheegay in ku dhawaad 300 oo arday ajaaniib ah oo badankoodu ka kala yimid Afghanistan, Sri Lanka iyo wadamo Afrikaan ah ay wax ka bartaan jaamacadda. Wararka ayaa sheegaya in ardayda dhaawacantay ay ku sugan yihiin dalka Hindiya kadib markii ay deeqo waxbarasho ka heleen golaha dhaqanka Hindiya ee ay taageerto dowladda federaalka.

BBC-da ayaa Email u dirtay madaxda jaamacadda si ay uga war bixiyaan wixii dhacay.

Dr Neerja A Gupta oo ah guddoomiye ku xigeenka jaamacadda Gujarat ayaa u sheegtay warfidiyeenada dhamaadki todobaadka in ay in muddo ahba jirtay xiisad u dhaxeysay ardayda ajaaniibta ah iyo kooxda weerarka soo qaadday.

Dr Gupta ayaa sheegtay in ardayda ajnabiga ah loo wareejin doono hoteello cusub oo leh ammaan iyo taxadar wanaagsan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo xiisad ay ka dhex dhalato dadka Muslimiinta ah ee ku tukanaya dalka Hindiya iyo kooxaha kale. Sannadkii 2021-kii, Muslimiinta salaadda ku bixinaya meelaha caadiga ah ayaa waxa ay la kulmi jireenhakad joogto ah iyo mudaaharaadyo kaga imanayay xubno ka tirsan kooxaha mayalka adag ee Hinduuga.

Horraantii bishaan, nin booliis ah oo ku sugan Delhi ayaa shaqada laga joojiyay kadib markii kamarad ay qabatay isagoo laad ku garaacaya niman Muslimiin ah oo salad ku tukanaya waddo dhinaceeda.

Related posts

Xildhibaan Beerey ” Qaraxyada Rasmiga ah Waxaa keena Ganacsatada Waa In Talaabo Sharci Laga Qaado..”

Abdiaziz Bnnstaff

“Wasiir Maxamed Kaahin 30 Sano Ayuu Been U Sheegay Shacabka Ninkiis Waynu Kamuu Xishoon Dadka”Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya”Wasiir Maxamed Kaahin 30 Sano Ayuu Been U Sheegay Shacabka Ninkiis Waynu Kamuu Xishoon Dadka”Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Xaalada Guud Ee Dalka Sudan Oo Walaac Xoogan Laga Muujinayo Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaalada Dalkaasi

Abdiaziz Bnnstaff